Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News



Afyare Cabdi Cilmi

Qodobka ugu hadal-heynta badan ee baryahan dadka Soomaaliyeed iska wareystaan waa xukuumadda cusub ee uu Ra’iisul-wasaare Cali Maxamed Geedi uga dhawaaqay Nairobi horraantii bishan. Dad badan baa saluugay halka qaar kale ay taageereen. Haddaba, qormadan waxaan ku falanqeyn doonaa aragtideyda ku aadan xukuumaddan cusub.

Dadka qaar baa qaba inay habbooneyd inuu Ra’iisul-wasaare Geedi magacaabo ugu badnaan 15 wasiir oo aqoon iyo karti leh isagoon u fiirin isku-dheelli-tirka beelaha. Aragti kale ayaa iyaduna ku doodeysa in xaqiiqada hadda dalka ka jirta ay qasbayso in dagaal-oogayaashu ay noqdaan wasiirrada. Qaar badan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanku waxay qabaan in qeybinta wasiirrada lagu saleeyo habkii Soomaalidu wax ku qeybsatay ee ahaa afar beelood iyo bar.

Kooxo kale ayaa iyaguna rajo ka qabay in Ra’iisul-wasaare Geedi, beelaha ka sokow, uu isbahaysiyada siyaasadda ee kala duwan isku dheelitiri doono. Isbahaysiga SRRC, Golaha Samatabixinta Qaranka, Dowladda KMG ah ee Cabdiqaasin madaxda ka ahaa, kooxda G8 oo Qanyare horboodi jiray iyo iyo ururrada bulshada baa ku taamayey inay dhammaantood iska dhex arki doonaan xukuumadda cusub. Mid ka mid ah saxafiyiinta firfircoon ee Soomaalida ayaa ku tilmaamay in xukuumadda Dr. Geedi ay fogeysay xubnihii midnimo-doonka ahaa ee ka yimid “ Somaliland.”

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul-wasaare Geedi afartan halbeeg midna ma uusan raacin. Karti iyo aqoon ma uusan fiirin. Isbahaysiyadii siyaasadduna “badda bay ka cabbeen.” Sidoo kale, haddii la raacayo halbeegga ah in inta hubeysan lagu abaal-mariyo xilalka ugu muhiimsan dalka, waxaa qasab noqonaysa in dhammaantood laga simo wasiirro. Sida ay hey’adaha u dooda xuquuqda aadanuhu sheegaan, waxaa dalka ka jira in ka badan 80 dagaal-ooge. Si ay ku yimaadeenba, qaar badan oo dagaal-oogayaasha ahi waxay maamulaan degmooyin iyo gobollo dalka ka mid ah. Haddaba, inkasta oo uu Macallin Geedi xil wasiirnimo u magacaabay ilaa 12 ka mid ah dagaal-oogayaasha, haddana intooda badan weli waxaa u taal jidgooyo ama isbaaro. Inta aan ka soo qeyb-galin, inta wax weysay iyo ku-xigeennadii qabqablayaasha dallacay waxay gambar ugu fadhiyaan Ra’iisul-wasaaraha.

Haddii la raacayo halbeegga ah in qeybinta wasiirrada lagu saleeyo qaacidada afar-beelood-iyo-bar arrintu waa ay sahlan tahay. Tirada guud ee wasiirrada ayuunbaa loo qeybinayaa 4.5. Beel kasta oo ka mid ah kuwaasna waxay heleysaa tiro u dhiganta tii ay xubnaha baarlamaanka ka heleen. Nasiibdarro, ra’iisul-wasaare Geedi halbeegganna waa uu dhinac maray oo si guud iyo si hoosaba isugma uusan dheelli-tirin golihiisa.

Aragtideyda, xukuumadda Ra’iisul-wasaare Geedi waxaa ku dhan dagaal-oogayaasha iyo siyaasiyiinta xiriirka la leh dalalka deriska, gaar ahaan Itoobiya wallow ay jiraan tiro yar oo aan ku xirnayn dalalkaas oo lagu barxay. Shaqsiyaadkii iyo kooxihii la riday Itoobiya xukuumaddii Cabdiqaasin si fiican baa loo abaal-mariyey. Kuwii ka soo horjeestay siyaasadda Itoobiya, intooda badanna, bannaanka ayaa la dhigay. Xubnaha midnimo doonka ah ee ka soo jeeda “ Somaliland” ma aysan ka tirsanayn xisbigii SRRC, mana aysan la lahayn xiriir dhow Itoobiya. Bal’e, maamulka Riyaale iyo SRRC ayaa isku siyaasad ka ahaa dowladdii Cabdiqaasin iyo xiriirka Itoobiya. Marka, in sidan wax u dhacaan, dabcan, Riyaale iyo maamulkiisu way ku faraxsan yihiin.

Waxaan qabaa in Ra’iisul-wasaare Geedi uu dhameystiray nidaamkii ay muddada dheer wax ku soo socdeen. Sida ka muuqata xukuumaddiisa, waddadii Baarlamaanka, dastuurka cusub iyo asaguba ay ku yimaaddeen uunbuu wax ku waday. Waa ay muuqatay in natiijada meesha ka soo baxda ay saameyn weyn ku yeelanayaan dowladaha deriska ah, gaar ahaan Itoobiya. Qof jecel iyo qof is-diidsiiyaba, taas ayuunbaa dhacday. Waxaa maanta dowlad u ah shacabka Soomaaliyeed baarlamaan iyo xukuumad ay isla soo xuleen Itoobiya iyo Kenya, waxayna ku maamulayaan dastuur ay u dejiyeen dalalkaas.

Bal dib u xusuuso heerka dastuurka maanta la tixraacayo uu soo maray. Markii ay xubnihii guddigii loo xilsaaray ay iskhliaafeen, waxaa la magacaabay aqoonyahanno Soomaaliyeed si ay isku waafajiyaan labadii qolo oo iskhilaaftay qoraalladii ay keeneen. Halkee bay ku danbeeysey hawshii ay aqoonyahannadaasi qabteen? Xaggeese ka yimid dastuurkan hadda la adeegsanayo?

Bal mar kale xusuuso sida ay xubnaha baarlamaanka laftoodu ku yimaadeen. Ma beelaha Soomaalida ayaa doortay? Kolley, inta aan ogahay, xubnaha baarlamaanku waxay iskugu jiraan qaar is-magacaabay iyo kuwo ay dowladahaas iyo xulufadoodu keensadeen. Mana aysan ku imaan intooda badan talo iyo towfiiq ay Soomaaliyi leedahay. Wixii labadaas ka danbeeyeyna waa wax ay sameeyeen baarlamaanka noocaas ah oo lagu dulsameeyey dastuurka Kenya iyo Itoobiya ay u degsadeen Somaliya.

Marka, runtii, ma garanayo sababta marka horeba keeni karta in laga filo meel xaalkeedu sidaas yahay wax wanaagsan. Xaqiiqadu waxay tahay, aragtideyda, waxaa shirka sameystay dalalka aan deriska nahay ee danuhu ay naga dhexeeyaan. Xisbiga SRRC ee, sida muuqata, meesha ka soo baxayna Itoobiya ayaa magaalada Awasa ku sameysay oo u adeegsatay duminta xukuumaddii taagta darnayd ee Carta. Marka, Itoobiya iyo Kenya wixii ay iyagu sax u arkeen uunbaa waayadanba sax la ahaa xisbigan dalka qabsaday. Weliba, waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in dalalkani ay si toos ah ciidan u geeyaan dalka oo ay isku dayaan inay hirgeliyaan waxan ay dhoodhoobteen illeen lama hubo in fursaddani ay mar kale soo mari doontee.

Waxaan rumeysanahay in Ra’iisul-wasaare Geedi uusan eed gooni ah ku lahayn sida ay wax u dhaceen. Kolley anigu uma fadhin inuu Professor-ku ka hor-imaanayo nidaamkii muddada dheer soo taxnaa ee uu isaga laftiisu ku yimid.

Sidoo kale, waan qabaa in natiijada shirkani ay saamayn weyn ku yeelan doonto aayatiinka Soomaalida. Laakiin, ma filayo inay keeni karto nabad iyo nidaam wanaagsan. Waxaanse isleeyahay waa loo baahan yahay in la maro tajribadan (tijaabadan) si dalalka deriska ah iyo kooxaha ku xiranba ay u ogaadaan waxa uga socon kara Soomaaliya iyo waxa aan uga socon karin.

Gabagabadii, waxaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna wax-garadkeeda u bannaan in ay laba arrimood mid yeelaan. Tan hore waa inay duuduub ku liqaan waxa meesha ka soo baxay oo la fiiriyo bal in lagu dan-gaari karo iyo inkale. Tan labaad, waa in sidii kuwii hore loo diidi jiray tanna loo diido iyadoo aan hadda wax baddeli kara meesha ool.

Labadan talo tii Soomaalidu u badataba, waxay aniga ila tahay inaan lagu mucaaradin dowladdan sabab la xiriirta qof isagu is magacaabay wasiirnimo uu waayey. Mar haddii hore loo aqbalay nidaamkii uu shirku ku socday, dastuurka jacburka ah iyo xildhibaannada is-boqray waxay ila tahay inaysan qeylo-dhaantu hadda qumaneyn. Xitaa haddii 34-ta wasiir uu Professor Geedi ka soo magacaabo hal beel oo kaliya, anigu ma qabo in beeshaas ay wakiil ka yihiin haba u dhasheene. Waxaan qabaa in laga warsugo inta ay dowladdani kala imanayso wax ka muhiimsan arrintan oo lagu diidi karo ama lagu raaci karo. Wixii uu xisbiga SRRC badsadey iyo wixii uu bursadeyba ha la sugo inta uu la imanayo gefef siyaasi ah oo waaweyn sida keenista ciidamada Itoobiya iyo Kenya iyo arrimaha kale ee saameynaya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Haddii aan si kale u cabbiro waxaan leeyahay haddii aad mucaarad noqonayso ku noqo mabda’ ama wax nuxur iyo macno leh. Yuu ku wareerin qof aadan markii hore dooran oo xil wasiirnimo waayey.

Afyare Cabdi Cilmi
Edmonton , Canada
E-mail: [email protected]

Home






 

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online