Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News



Gobolka Hiiraan waa gobol muhiimad gaar ah ku leh taariikhda Somaaliyeed waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay halbowlaha ama wadnaha waddanka Soomaaliya, marka laga eego meesha uu ku yaalo iyo qeybtii uu ka soo qaatay halgankii xurnimada. Gobolka Hiiraan waxuu ka mid ahaa sideedii gobol ee ugu horeeyey Soomaaliya waxauuna lahaa saami kuraas baarlamaan oo u dhiganta boqolkiiba 20%, golohii barlamaanka ee 1960 – 1969kii.

Gobolka Hiiraan waxaa u ahaa gobol ku can ahaa dhaqdhaqii xurnima doonka ee SYL, waxaana ku dhashay gobolka Hiiraan Maxadweynahii ugu horeeyey ee waddanka Soomaaliya Mudane Aden CabdulleCusmaan (Aden Adde) oo hadda si nabad u deggan dalkiisa hooyo iyo Allaha u naxariistee halyeeyaasha kala ah:

Sheikh Cali Jimcaale;Sheikh Xasan Barsane,Mudane Cabdullahi Ciise. Gobolka Hiiraan wuxuu qeyb-libaax ka soo qaatay dhaqdhaqaaqii riditaankii xukuumadii Militariga.

Gobolka waxaa uu qeyb weyn ka soo qaatay la dagaalankii iyo ilaalinta in Soomaaliya yeelato mucaarad dhan walba ka madaxbanaan hadba xisbigii heysta aqlabiyadda. Waxaa taas u daliil ah aasaaskii Xisbigii SNC uu ujeedadiisu ahayd ilaalinta dimoqraadiyadda.

Beeleha wada degan gobolka Hiiraan waxay ku can baxeen beelo nabadeed oo iskula nool nabad iyo ismagan gelin. Muddo boqolaalo sano ah ma dhex marin wax colaad ah.

Ummadda iyo gobolka taariikhdaa dheer ku leh sumcada waddanka Soomaliya ayaa maanta ah kuwa aanan laga tixgalin marka loo eego qaybinta xubnaha baarlamaanka iyo kan golaha wasiiradda. Ee dawladda dhexe ee ku meel gaarka ah ee lagu dhisay Nairobi. Waxaa is weydiin leh sideey ay wax noqdeen; maxaa isdaba maray, mushkiladda qabsatay iyo mashaqadan ku habsaday gobolkii Hiiraan ? Aawey wax garadkii, aqoonyahanadii, Ugaasyadii iyo culamaaudiinkii ka dhiidhin lahaa goobta ay maanta taagan yihiin ?

Jawaabta oo kooban waa sidan:

  1. Dhibkii ugu horeeyey wuxuu gobolka soo gaaray xilligii dagaalkii dawladii Mudane Cali Mahdi iyo mucaarad kiisii Jeneral Maxamed Faarh Caydiid. Taas uu dhallisay in ay la kala saftaan labo qabiil oo isku haysto ciddii xukumi lahayd Soomaaliya. Iyadoon laga fiirsan ayaa dad isku sheegaaye inay yihiin siyaasiyiinka gobolka Hiiraan ayaa waxay ummaddooda iyo gobolkoodaba u soo jiideen kala tag iyo tafaraaruq aan weligeed la arag.
  2. Waxaa horseed u ah beelaha deggan Hiiraan niman siyaasiyiin isku sheeg ah oo dantooda shaqsiga ka hor mariyey dan dadkooda iyo mida gobolkooda
  3. Xukun goboleedkii laga sameeyey Hiiraan horaantii sagaashameeyadii oo si caddaalad daro ah loo sameeyey. Iyadoon laga qeyb-gelin wada tashigeeda dhammaan dad deggan gobolka. Tan ayaana dhalisay dagaaladda aan istaageyn; ee jid goyska; horumar la’aanta iyo burcadda xaaraanta ku hay’sato degmooyinka iyo toolooyinka gobolka Hiiraan.

Arrimaha aan kor ku xusnay ayaa u maleynayaa inay sabab u ahayd in gobolka Hiiraan iyo beelaha deggo aan la siin saamiga ay xaqa u lahaayeen.

Dulmiga ka dhacay Mbagati ma aha mid ku cusub Gobolka Hiiraan iyo beelaha deggo. Waxaa xusid mudan inaan dib u fiirino bal intii dawlad la soo dhisay tan iyo burburkii dawladii Maxamed Siyaad. Waxaa caddaan ah in shir walba kan ka dambeeya uu samiga gobolku ka yaraa.

Maanta oo dhan waa aan ka hadli karaa waxa ka xun iyo quursiga lagu sharciyeey beelaha deggo gobolka Hiiraan, laakin waxaan is leeyahay in aad calaacalka joojiso bal kalimad yar oo guubaabo ah u soo jeedi dhammaan madaxda beelaha deggan gobolka Hiiraan.

Walaalayaal waan wada ognahay muhimadda Gobolka Hiiraan, waxa kaloon wada ognahay sida loogu galay fagaaraha Mbagathi, Kenya. Marka waxaan ku talin lahaa in:

  1. Xubnaha barlamaanka kaga jira beelaha reer Hiiraan iyagoo isku duuban ay codsadaan xaqa ka maqan, haddii xaqooda la seen waayana ay iska baxaan barlamaan ku sheega.
  2. In shirweyne reer Hiiraan ay u dhan yihiin laga sameeyo gobolka si loo soo celiyo walaaltinimadii is jeceelkii beelaha reer Hiiraan iyo lagu dhiso dawlad goboleed xaq iyo caddaalad ku dhisan. Haddii aan la sameysan maamul ogaada in Cali Geedi iyo Cabdullahi Yusuf ay tala jiraan sidii la’idinkugu magacaabi lahaa maamul goboleed.

Reer Hiiraanow fadhiga ka kaca ee xaqiina raadsada

Cabdulqadir Sheikh Cali
[email protected]

Home






 

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online