Ra'iisul Wasaare Geedi Waa inuu Xakameeya Hawl-Wadeenada Xafiiskiisa
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News





Welcome to Hiiraan Online, today is
Ra’iisul-Wasaare Geedi Waa Inuu Xakameeyo Hawl-Wadeennada Xafiiskiisa

18 November, 2004

Waxaan cambaaraynaynaa dhaqankii foosha xumaa ee hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul-Wasaare Geedi ay kula dhaqmeen saxaafadda Soomaalida, gaar ahaan, suxufiyadda bogga Hiiraan Online Maryan Maxamuud "Qalanjo". Sidoo kale, waxaan dhaliil weyn u soo jeedinaynaa sida uu Ra’iisul-Wasaare Geeddi uga gaabsaday inuu arrintaan ka bixiyo wax cudurdaar ah ama raalligelin.

Waxaa loo diiday saxaafadda Soomaalida inay ka qeyb-galaan, kulan ay ku kulmayeen Ra’iisul-Wasaaraha cusub, Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha Baarlamaanka KMG ah. Ujeeddada suxufiyiintu ay shirka u tageen waxay ahayd inay dadweynaha Soomaaliyeed u gudbiyaan xogta iyo wararka la xiriira kulankaas.

Waxaa kulankaas loo oggolaaday suxufiyiinta dalka Kenya ka hawlgala. Waxaana intaas dheer in suxufiyiinta Soomaalida loogu daray af-lagaaddo iyo liidid. “Uma baahnin saxaafadda Soomaalida. Waxaan doonaynaa wargeysyada ka soo baxa dalkan maalin kasta ee afka-Ingiriiska wax ku qora” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah hawl-waddeennadii barnaamijka waday.

Markii ay saxafiyiintu ka soo baxeen goobta, waxaa ka daba yimid Bashiir Raage oo qaraabo la ah Ra’iisul-Wasaaraha, kana mid ah hawl-wadeennada xafiiskiisa. Bashiir Raage wuxuu si toos ah u aflagaaddeeyey wariyaha Hiiraan Online uga soo warranta Nairobi isagoo ku eedeeyey in boggani uu mucaarad ku yahay dowladda uu Ra’iisul-Wasaare Geedi madaxda ka yahay.

Waxaa nasiibdarro ah in mas’uuliyiin sheeganaya inay wakiil ka yihiin ummadda Soomaaliyeed ay iskaga qaldanto cidda ay doonayaan inay farriintooda gaarsiiyaan. Malaha, maaddaama ay Nairobi ku sugnaayeen in muddo ah, Ra’iisul-Wasaare Geedi iyo Golaha Baarlamaanku waxayba ismoodeen inay dowlad u yihiin dalka Kenya. Waxay halmaameen inay darajooyinka ay wataan ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan dhammaanteen ognahay sida ay xubnaha baarlamaanku ku soo baxeen, iyo doorka ay dalalka Kenya iyo Itoobiya ka ciyaareen dadka ka mid noqonaya. Haddaba, falkan iyo kuwa kale oo farabadan oo ay madaxda dowladda Federaaliga ee Soomaaliya kula kaceen saxaafadda waxay muujinayaan xaqiiqada dhabta ah ee madaxda iyo cidda ay danahooda ka tarjumayaan. Haddii dadkii metalayey Soomaalidu ay u arkeen in dadweynaha Kenya uga muhiimsan yihiin shacabka Soomaaliyeed, sidee baan uga fili karnaa inay daryeelaan danaha ummadda Soomaaliyeed

Waxaan xusuusinaynaa madaxda dowladda KMG ah in saxaafadda Soomaalidu ay qaan-gaartay, ayna wax badan ka horreyso siyaasadda ku dhisan qabqablanimada, handadaadda iyo caga-jugleynta. Qofka raba inuu mas’uul ummad u noqdo waa inuu leeyahay geesinnimo uu ku wajaho dhaliilihiisa. Waa nuu awood u leeyahay marka uu qaldamo ama cid isaga magaciisa ku shaqaynaysa ay dhibaato geysato, geesinnimo uu ku yiraa ‘waan qaldamay.’

Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul-Wasaare Geedi inuu qaato mas’uuliyadda marka ay hawl-wadeennadiisa iyo qabanqaabiyaasha xafladaha uu ka hadlayo ay magaca xafiiskiisa gef ugu geystaan wariyaasha howshooda gudanayo.

Tifaftirka Hiiraan Onine
E-mail:[email protected]

Hiiraan Online











Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam