4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2014
Xukuumadda oo Guddi u Magacowday Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe

Talaado, Ogoosto 26, 2014 (HOL) — War qoraal ah oo ay waasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya soo saartay maanta ayaa lagu magacaabay guddiga farsamo ee maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Guddigan farsamo oo 27-xubnood ka kooban ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

01. Cismaan Ciise Nuur
02. Xaliima Ismaaciil Ibraahim
03. Daahir Xasan Guutaale
04. Cabdi Faarax Jaamac
05. Dr. Khaliif Xirsi Cali
06. Iimaan Xasan Jiiroow
07. Daahir Wehliye Siyaad
08. Maryan Cabdi Geeddi
09. Cabdullaahi Cabdi Cabdulle
10. Maxamed Axmed Maxamuud
11. Cabdullaahi Maalin Gaafow
12. Axmed Dubad Cali
13. Cumar Maxamuud Mahad-Alle
14. Cabdiraxmaan Maxamuud Macalin.
15. Cumar Cali Rooble
16. Maxamuud Aadan Cusmaan
17. Cabdullaahi Muuse Maxamed
18. Maxamed Xaashi Cabdi (Garabey)
19. Cabdi Daahir Maxamed Xareed
20. Durraan Cali Farey
21. Farxiyo Afweyne Sheekh –doon
22. Xareed Cali Xareed
23. C/nuur Macali Maxamuud
24. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan
25. Khadiijo Cadaan Cusmaan
26. Juneyd Ismaaciil Cigalle
27. Cabdullaahi Xuseen Cali

Guddigan ayaa la sheegay inay ka shaqeyn doonaan qaabkii loo dhisi lahaa maamulka labadan gobol, sidoo kalena waxay abaabuli doonaan shirweyne ay isugu imaanayaan shacabka gobolladaas ku nool si ay isugu waafaqaan maamulka loo sameynayo labadan gobol.

Magacaabidda guddigan ayaa imaanaysa xilli Muqdisho lagu saxiixay 30-kii bishii hore heshiis lagu dhisayo maamul ay yeeshaan labadan gobol, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuu qayb ka yahay hirgelinta nidaamka federaalka ah ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya