4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo Salaaddii Ciidda la tukaday dadweynaha (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Shacabka Somaliland ayaa saaka ku tukaday salaaddii ciidul-fidriga fagaarayaasha waaweyn iyo dhulalka ee garoomada ah ee ku yaalla Hargeysa.

Dadweynaha ayaa markii ay salaadda ka soo baxeen isgacmo qaadayey, isla markaana iskugu hambalyeynayey Ciidda Carafo ee muslimiinta ugu weyn, waxana wadooyinka hareeraheedda buux dhaafiyey Caruur badan oo loo soo xidhay dhar qurux badan iyo qalabkii ay ku ciyaarayeen, kuwaas oo ku faraxsanaa Ciidda ay u dabaaldegayeen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa isaguna dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa kula tukaday masjidka jaamaca badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxaanu dadweynaha muslimiinta gaar ahaan shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda Ciiddal Udxiyadda.

“Waxaan shacabka Somaliland ugu hanbalyeynayaa munaasibada ciida Adxa, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ciidan  ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hambalyo u diraya dadweynaha Somaliland.

Waxaanu intas raaciyay. “Waxaan leeyahay shacabka Somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa ilaalinta nabad galyada dalkeena, waxaanan ku balamaynaa inaynu wada shaqayno.”

Sidoo kale, gudoomiyeyaasha xisbiyadda qaranka ayaa hambalyo tan oo kale ah u kala diray dadweynaha Somaliland, kuwas oo ilaahay u baryey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha  ayaa wejiyadoodda ka muuqdeen farxad iyo bashbash, kuwaas oo qof waliba qof kale saamaxayey, isla markaana dadku isku bogaadinayeen farxadda uu ku simay ee Ciidal Adxadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland