4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2015
Ciyaarihii Kubadda Cagta ee Somali Week oo si xiisa leh uga socda magaalada Toronto

Talaado, Luuliyo 29, 2015 (HOL) - Ciyaarihii Somali Week ayaa si habsami leh uga socda garoonka  Centennial Park Stadium ee magaalada Toronto ee dalka Canada. Halkaas oo ay shalay garoonka soo buux-dhaafiyeen dadweyne fara badan oo ka kala yimid dunida oo dhan gaar ahaam magaalada Toronto.

Ciyaaraha ka dhacy shalay ayaa waxaa ku kulay kooxaha kala ah SEIF iyo ROCHESTER NY. Waxaa halkaas guusha ku raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca SEIF oo ku guuleysatay 2 iyo eber (0). Waxaa sidoo kale ciyaar xiisa leh isla garoonkaas ku dhexmartay kooxa kale ah BANADIR iyo HAMILTON waxayna halkaas guushii ku raacday kooxda BANADIR oo ku guuleysatay 3 gool iyo laba (2).

Dhanka odayaasha waxaa halkaas ku wada ciyaaray labada kooxood oo kala ah OTTAWA iyo TORONTO . Waxayna guushii raacday kooxdii TORONTO oo todobo (7) gool iyo eber (0) kaga guuleysatay kooxdii ka socotay magaalada OTTAWA.