4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Doorashadii Madaxweynaha ee Maamuka GALMUDUG


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee maanta ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

 “Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah Caawa u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Guuleed iyo ku xigeenkiisa Carrabey in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Somalia. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada kasoo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan. Annagoo ogsoon in muranka Puntland uu salka ku hayo dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka laguna dadaalo in dhismihiisa la waafajiyo Dastuurka u yaalla dalka,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya