4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Suugaanti Maxaa Helay?

Abdi-Noor Mohamed
Wednesday, December 02, 2009

Mar haddii qaranki la waayay, suugaantiina miyaa la waayay? Waa suaal inta badan aan is weyddiiyo marka la fiiriyo muuqaalka ay manta leedahay suugaanteena. Burburki dalka ku dhacay ee cid walba saameeyay, suugaantiina miyuu glaaftay? Bililiqadi dhacdayna ma wax baa iyana ka gaaray?  Haddaba war baan idin hayaa. Aniga iyo Suugaan sheeko ayaa ina dhex martay. Iyadoo suurad gabdheed leh ayey habeen riyo igu timid. Waxaa ka muuqatay diif iyo rafaad baán, quruxdi iyo dhaldhallalki ay lahaanjirtayna kama muuqan. Waxay isug keey sheegtay in magaceeda la yiraa SUUGAAN. Runtii aad baan uga xumaaday suuraddeeda iyo guud ahaan muuqaalkeedaba. Waxay tiri cabashaan sidaa ee cabdow farriintan iga gudbi. Waxay sidday fariin ku socotay suugaanleyda somaliyeed guud ahaan, rag iyo dumar, meel kasta oo ay joogaan. Waxayna ka cabneysay sida loo dayacay oo aan loo xurmeyn tan intii ay dagaalladu dalka ka qarxeen marka laga reebo shaqsiyaad iyagu is xilqaamay oo sharafkeedi iyo maamuuskeei ilaaliyay. Waxay ka cabatay iyadoo ah dunti midnimada ummadda sida looguna adeegsan waayay caqli celin, nabad raadin iyo midnimo ka dhex dhalata ummaddan kala irdhowday. Waxay ka cabatay sida qiimaheeda iyo nuxurkeediba loogu soo gaabiyay in arrosyo uun laga tumo iyo goobo cilaan saar ama goobo caweysyo oo aaney dawrba ugu lahayn nolosha ummadda.

Waxaa intaa ii dheer bey tiri Suugaan in qof walba siduu doono ii sameeyay siduu doonana ii qaaday. Waxaan ka cabanayaa bey tiri korriimo laáan oo wax micna lahoo la sheego oo igu soo kordhay ma jiraan 20ki sanee la soo dhaafay waayo dhallinyarada cusub wixi hore uun bey ku noqnoqdaan oo wax cusub ma alifaan mana qaadan, taasna waxay ii keentay bey tiri in koboceygu yaraada.  Waxaan tabayaa bey tiri farshaxanki iyo bilicdi aan lahaan jiray oo manta aan ka joogo sidaan aad adiguba aragtid cabdow. Eeddu ma wada saari karo bey tiri dadka cusub ee waxaa dhaliisha la qeybsanaya suugaanleydi hore oo weli nool oo aan haddana tababarro u furin kuwa soo koraya.  Inti aan wada hadleynay aniga iyo suugaan eray kasta oo afkeeda ka soo baxa waan qorayay laakin markaan toosay oo aan is iri isku hagaaji wixi ay kuu sheegtay ayaan waxaan arkay in aan wax qoraal ahaba agteydaba oolin. “Illeyn wuxuba riyey ahaayeen” baan keligey iskula hadlay. Wey ii cuntami weyday inaan sidaa ku daayo riyadaas, waxaan goostay inaan isku dayo inaan qoro wixi aan aniga iyo suugaan ku wada hadalnay oo dabadeed friinti ay ii soo dhiibtay aan sidaa ugu gudbiyo suugaanleyda somaliyeed. Waxaan sheekdadi ka dhigay hees. Ii dulqaata haddii si aan is lahayn wax isugu rakibo waayo aniga lafteyda waxaa suuragal ah inaan ka mid ahay qolada ay ka cabaneyso Suugan. Heesta oo aan qoray subixi xigay habeenki riyada oo ku beegneyd 10kii Febraayo 2001dii, waxaan ka soo qaadanayaa in yaroo kooban waayo aad bey u dheertahay, waxaana laxanka saaray oo isla markaana qaaday Axmad Nuur Jango, Allaha u naxariistee: Suugaan markaan weyddiiyay bal iney fasiraad iska bixiso, si fiicana isu key barto, waxay tiri: 

Murti Sal Leh baan ahay
Saxansaxa udgooniyo
Seer ma weydaan ahay
Surma seegtaan ahoo
Magaceygu waa Suugaan

Marna seef iyo waran
Bir Sumeysan Baan ahay
Surgooyo cadaw baan ahay
Saxal qiiqayaan ahoo
Magaceygu waa SuugaanMarna Siin iyo Deel
Alle Soo dejaan ahay
Saaxiib dhab ah ayaan ahay
Sifa diimeed baan ahoo
Magaceygu waa suugaan
 
Intaa Markey mareyso ayaan weyddiiyay waxa ugu wacan dhibaatada ka muuqata waxayna ku jawaabtay
Abwaannadi I sixi jiree
Sumcaddeyda dhawri jiray
Sida Xuseen iyo Kaariye
Barkood waa socdeen
Rabbi meel san ha geeye
Sansaankoodi miyuu lumay?
 
Waxaan iri maya,  sansaankoodi ma lumin. Waxay kolka tiri "Barka soo haree suugaanta u heelan maxay sugayaanoo saxariirta iigu daawanayaan, ma iyagaan isla soconoo duul sii kala jeeda ah, ma saluug ba jirtoo somali beyna isla hayn, mase sama iyo wanaag lagu wada socdaan sifihiisiba la hayn?"Thanks


Abdi-Noor Mohamed
Writer and filmmaker
Växjö University
[email protected]



 





Click here