4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Isqarxinta bilowga ah ma la joojin karaa?

Ahmedweli Goth
Friday, December 25, 2009

Farriintan aan dulucda uga dhigay ISQARXINTA, oo aan baroor diiq uga dhigayo dadkii ku geeriyooday masiibooyinkii ka dhacday  Baladweyne iyo Hotel Shamow ee sannadkan....oo noqday kuwo lagu xasuusan doono sannadkan dhammaanaya ee 2009ka, isla markaana reebtay ma-hadho la xasuusan doono muddo dheer, ayaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen biri-mageydadii cadowga ummadda Somaliyeed ee lahaa ubaxa waxbartay macallimiintii iyo waxgaradkii kale ee uu cadowgu la beegsaday goobihii lagu malgay geesiyadii iyo ardaydii ka qalin-jabinaysay kulliyadda caafimaadka ee Muqdisho. Inta kale ee ay waxyeelladu ka soo gaadhayna waxa aan leehay ilaah ha uga sahlo. Waxanan leehay...INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN.
 
Intaa kaddib, waxa aan ka codsanayaa Idaacadaha Soomaaliyeed in ay farriintan u akhriyaan dadka Somaliyeed ee aan nasiibka u helin in ay shabakadaha kala socdaan wararka iyo ra'yiga dadweynahaba ee ku wajahan khataraha ka jira amma ka soo fool leh dalka Somaliya iyo guud ahaanba mandiqadda geeska Afrikaba.
 
Walaalayaal, xisbiga sheegtay shabaabku waxa ay u badan yihiin wiilasheennii iyo gabdheheennii aan dhallay amma innala dhashay, waxana ay ku nool yihiin guryaheenna amma haddii ay inna maqan yihiinna waxa ay xidhiidh la leeyihiin waalidkood iyo walaalahood. Waana dhallin yar oo loo sheegay in dagaalka lagu jiraa aanu waxyeello u geysanayn shacabka, balse uu yahay mid lagu xoreynayo muslimiinta ku nool Somaliya, isla markaana lagula dagaallamayo waxa ay ugu micneeyeen gaalo dhulkeenna soo weerartay iyo gaalo raac amma arrimo kale oo badan oo lagu beer laxawsaday. Balse aanay runtu sidaa ahayn. Dadka dagaalka abaabulaya amma ka dambeeyaana ay yihiin kuwo ujeeddo fog leh, oo aan dan iyo muraad ka lahayn diin, dal hagaaga amma dad la xasuuqo. Waana xanuun innaga soo galay Afqaanistaan iyo dhulyow kale. Kolba meesha u dabacsanna ku fidaya dunida.
 
Walaalalyaal, waxa nasiib darro ah , in waalidkii shabaabkaasi dhalay amma la dhashay ay qaarkood ogyihiin in wiilkoodii amma gabadhoodhii qoriga u sidato shacabkoodii oo ay qaar isku qarxinayaan goobaha ay shacabku isugu yimaaddaan, sida qalin-jabintii ardayda Jaamacadda. Waalidkaa oo iyagana lagu beerlaxowsday in ay carruurtoodii u dhimanayaan diintooda xaniifka ah ammaba ay lacago ka qaataan ururrada dhiigga dadka xalaashaday ee u adeegaya burburinta shacabka Somaliyeed ee masiibadu ku habsatay.
 
Walaalayaal, weli maan maqal walaalid raadinaya amma sheegaya in ilmihiisii la duufsaday. Hadday cabsi qabaan ma ogi. Weli ma arag mana maqal dawlad Somaliyeed oo dadka dagaalka oogaya amma hore u oogey raadinaysa amma sharciga hor keenaysa. Weli ma maqan oday dhaqameedyo u tafo xaytay in ay ka hor tagaan masiibooyinka ay dadka fara-ku-tiriska ahi wadaan. Sida Sh. Aweyska xisbul Islam, Godanaha Al-shabaab,Abu Mansuurka Baydhaba ka taliya ee Al-shabaab, Cali Dheeraha Xamar iyo Kismayo ka dhexeeya iyo kuwa kale ee aan had iyo jeer ka maqallo saxaafadda, ee ku baaqa dagaalka iyo dhibaataynta shacabka. Weli ma maqlin wax-garad ka qaylinaya gacma-goynta, dadka dhagaxa lagu dilayo iyo jariimadaha laga galayo shacabka.
 
Walaalayaal, dadka nabaddii innoo dacareeyey, waa shakhsiyaad ay soo qabashoodu fududdahay, waa shakhsiyaad beentoodii ay gabo gabo tahay, waxana ka markhaati ah sida dhallintii la qaldi jiray ay ugu baraarugeen qarixii ka dhacay Hotel Shamow. Waxana ay immiga u kala jabeen firqado, qaarna way iskaga bexeen. Kuwo kalena waxa ay sugayaan jaanis ay kaga fakadaan shabakadda ay galeen. Waxa aan maqallaa ajaanib ayaa ka dagaallanta Koonfurta Somaliya, waa tiro yar oo aan shabaabka la'aantii waxba qaban karin. Waxana habboon in ay shabaabku fikiraan oo ay kuwaa soo qabtaan. In ay sidaasi dhacdaana waa mid aan fogeyn. Oo dhawaan iman karta.
 
Walaalayaal, dhallin yarada loo sheegay in ay is-qarxin ku janno tagayaani waa tiro yar, shabaabka intooda badanina ma doonayaan in ay nafatooda waayaan, in ay waxa ay u dagaallamayaan arki waayaan. In aan jannada lagu tagin walaalkaa oo aad isku qarxisaana waa mid beenowday, oo dhexdooda dood ayaa maanta ka taagan. Haddii ay run ahaan lahaydna ta soo diraya ayaa is-qarxin lahaa.Laakiin ta meesha ku jirtaa waa tii waalidka iyo wax garadka oo aan weli la hayn.
 
Walaalayaal, aan u gurmanno ubadkeenna, dalkeenna iyo diinteenna. Shacabow ku quus qaado wixii ka dhacay Hotel Shamow. Tii ka dhacday Balad-weyn. Waan og nahay in ay naf wallilba ay goorteeda bixi doonto, ilaahay ayaana qofkasta la xisaabtimi doona. qofna qof kama mas'uul aha. Intii dhimatay ee xaqdarro lagu dilay ilaahay ayaa og. Laakiin nabadda ma u guntannaa, oo cabsida iyo dhibta inna haysata meel ma uga soo wada jeesannaa? Shacabku waa quwad iyaga oo aan qori qaadan ayey maalin gudaheed kaga faraxalan karaan kuwa ay ka seexan la'yihiin. Haddii uu shacabku dhibta ka gilgilan waayana isaga ayuun baa ta xun mudan.
 
Walaalayaal, weli xor ayaan nahay, wakhtigiina waa socdaa, dunidiina khaatiyaan ayey innaga taagan tahay, dhibta innagu habsatayna dunida jaarkeenna ah cabsi badan ayey ku haysaa, kuweenna Kenya  amma Addisababa jooga ee raaxaysanayaana waxa ay moodayaan in ay raaxaysan doonaan maalinta kuweenna is-qarxinayaa ay dalalkaa tagaan. Waxanan filayaa in shacabyadaasi ay soo celin doonaan faasaskii ay Huutiska iyo tuutsigu isku xaaqeen, oo ay Somaliga ay arkaan ay u malayn doonaan kuwii is qarxinayey. Taasi waa iga digniin.
 
Dawladda waxan leehay, soo qab-qabta dadka xasuuqa wada ee weliba masaajidda Muqdisho ka qudbadaynaya. Haddaydaan awoodi karin in aan kuwa dhibka wada xukumtaan, idinka ayey idin maxkamadayn doonaan. Oo qoorta iyo gacmaha idinka jari doonaan.
 
Shabaabka waxan leehay, dalkiinna iyo dadkiina u soo noqda, oo kuwiinna caqliga lihi dalka nabadeeya, oo dawladda noqda, oo caalamku ma kala maarmee cidlada iskaga kaalaya.

Sidaa iyo nabad gelyo.


Ahmedweli Goth
E-mail: [email protected]


 





Click here