4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Gabay: Cajeb!!!

Aadan Maxamed

Sunday, November 22, 2009

 

Ummad waliba waxay leedahay hab ay u keydsato ama u madhxisato soo yaalkeeda, si ay dhaxal ugu reebto jiilalka soo koraya ee mustaqbalka. Soomaalidu waxay aad ugu caantahay suugaanta oo ah maktabadda ay ku keydiyaan taariikhdooda oo jiilba jiil u gudbiyo.

 

Haddaba innagoo ka wada dheregsan waxa ay ummaddeennu waayahan dambe ku sugantahay, ayaan isku dayi doonaa inaan waxa jira ku soo bandhigo gabay aan ku magacaabay Cajeb. Gabaygu wuxuu ku halqabsanayaa Maxamed Cali Cibaar oo ka mid ah suugaanyahannada in badan wax ka qoray, kana maansooday, marxaladdan qallafsan ee la soo gudboonaatay ummaddii Soomaaliyeed.

 

Waa kan gabaygii Cejeb ee akhris wanaagsan:

 

Cibaarow nin  caanaad tahoo, curiya suugaane

Anna caynka maansada Allaha, Caalimkey baraye

Runta kama cabsoodoo xaq waa, inan caddeeyaaye

Cillad baa ayaamahan jirtiyo, ceebta tow darane

Waa kaa dadkeennii is cunay, ee is caydhsadaye

Cirkii roobba laga waa markey, nabad ka caageene

Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye

 

Soomaali cudur baa ku dhacay, caabuq aan hadhine

Caaqilkii dhamaa iyo kuwii, caymin jiray waaye

Caadaqaate goortuu bataan, layska celineynin

Cisigeedii waa kaa  lumoo , ceynkii bow go’aye

Waa taa is caasiday dadkina, kala carraabeene

Qolo waliba haddey calan sitaan, calal ay jeexdeene

Waa taa cidlada ay degtiyo, ciirsili’idaase

Cuntadii  sideedii iyadoo, bahal cantuugaayo

Waa taa ciyaartii la tumi, weli  caweyskiiye

Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye

 

Culimadu waxay fari jireen, camalka kii roone

Cilmigoogaa loo aayi jiray, casharkey dhiibaane

Colaaddiyo waxay damin jireen, balada caabboone

Cadaawuhuna kuma dhiirran jirin, carradey joogaane

Maantase kuwaa caamadee, kala cadhoonaaya

Ee curyaamadii laayay aan, carar awoodeynin

Waxay caawa raacdeynayaan, cidi ma suureyne

Cadligiyo wanaaggii ka tage, cayn kastuu yahaye

Caalimiin dar noo sheegtayoo, cabbaya dhiig maati

Iyo qaar curraafyaa jiroo, uu cirfiid hagiye

Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye

 

Intii cowska lagu muransanaa, iyo caleen daaqa

Ee cuntiyo lagu dirirsanaa, wax aan calool buuxin

Ciiddeenni niman baa hantiyay, oo ku ciilbaxaye

Cadow halisa iyo waxa fadhiya, cudud shisheeyaade

Cutubyaana weli soo socdoo, lagu casuumaaye

Cawaaqibka nalala maagganyahay, caaq midaan garanne

Colkan reerka dabargoynayeen, cunugna reebeynin

Ee canshuurta weli loogu dari, dumar caruusiina

Waa caado soo korodhayoo, nalaku caayaaye

Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye

 

Baddeennii khayraadku u camiray,  een cidina quudeynin

Ee uu dahabku ceegaagi jiray, ciidda gudaheeda

Nimanbaa maraakiib cashaqoo, madhiyay caydkiiye

Cudur iyo sun bey keenayaan carro-sankeenniiye

Colal baaba lagu soo dhuriyo, ciidan xoog badane

Iney cad-cad u goostaan waa taa loo calaamadinnoo

Ceeryoon hadduu yahay dhulkaan, caanka ku aheyne

Cabbiroo wax ii sheeg illayn, waan caabayaaye

 

Ummaddii Casiis iyo ka baqi, Caadilka abuuray

Ee uu Ilaah caqli ku ladhay, waa is celisaaye

Calaamadaha ii muuqda iyo, cirirka gowdiida

Markaan caalamkaa eegay iyo, siduu u ceeshaayo

Kuwa aan waxbaba caabudeyn, baan la ceyn nahaye

Cibaadadiba waa laga tagoo, caasi loo badaye

Haddaan Eebbe ina caymineyn, cidi ma joogteene  

Ciqaab soo degtiyo waxan ka baqi, cadho Ilaaheeye

Cabbiroo wax ii sheeg illeyn, waan cajabayaaye

 

Bukaannada cabaadaaya iyo, carunka hooraaya

Camoolaan wax arag iyo, waxaa caddilan waayeelba

Caruuraha haqanayiyo waxaa, curaddo naafoobay.

Cadradaha dagaagee badhkood, duurka ku cirreystay

Iyo kumankan soo caariyey ,haaddu ku casheyso

Cagta hoose meesheynu naal, iyo culeyskeedu

Inkastoo ay ciil badantahoy, caajis igu beertay

Allahayow ninkuu Caabidoo, cabanayaan ahaye

Caawimaad adaan kaa rabnaa, caawa naxariise

Caafimaad adaa heli karoon, kaa codsanayaaye

Rabbiyow  na ceyntee adaa, ka hufan ceebaale.


Aadan Maxamed

[email protected]



 





Click here