4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Golaha Shacabka Soomaaliya waa inuu Maslaxadda Waddanka Ka Taliyaa

Aragtida Hiiraan Online
Friday, April 23, 2010

Waxa nasiib darro ah in labaatankii sano ee la soo dhaafay  Soomaaliya loo yiqiinay in ay tahay meel ku caan baxday xasillooni darro, is xushmayn la’aan iyo degganaasho xumo. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana Soomalida badankeedu waxay ka filahayeen Golaha Dadwaynaha ee ku-meel gaarka ah (Barlamaanka) oo hadda ku sugan meelaha ugu nabdoon magaalo madaxda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan ciidamada ilaalinta nabadda ee Ururka Afrika (AMISOM), in ay u dhaqmaan sidii dad waaweyn oo waxgarad ah, lehna bisayl siyaasadeed marka ay ka doodahayaan bal in Mudane Sheikh Aden Madoobe loo kordhiyo waqtiqii uu hayay jagada guddoomiyenimada  Golaha dadwaynaha (Barlamaanka) iyo in kale.

Waxaa lagu jiraa waqti waddanka Soomaaliya intiisa badan uu halis u yahay in uu galo gacanta ururrada xagjirka ah, iyo iyadoo kuwa ka soo horjeeda Qaranimada iyo midnimada Somaaliya ay u durbaan garaacahayaan abuurista gobollo ka madax bannaan dawladda dhexe oo asalkoodu yahay qabiil, kuwaan oo lola jeedo burbrinta iyo kala jabinta qarannimada Somaaliya. Waxaa nasiib darro ah oo runtii walwal badan abuurtay dagaalka siyaasadeed iyo awood raadinta  ku dhisan xaqdarrada ee ka dhex socda xubnaha golaha  dadwaynaha (Baaramaanka) iyo xubnaha dawladda Federaaliga ah, taas oo keeni karta dib u dhac waaba haddii ayna burburin hay’adaha dawliga ah ee qaranka Soomaaliyeed.

Waxay u egtahay in madaxda dawlada Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka (Baarlamaanka) ayna warba u haynin xaaladda runta ah ee maanta ka taagan inta ka baxsan xeryaha ay deggan yihiin (Green Zone), oo ayna ogeyn ku soo siqidda iyo dhul ballaarsiga ay wadaan ururrada xagjirka ah, kuwaas oo ku haya dhibaato aan la soo koobi karin shacabka Soomaliyeed, iskuna dhaarsaday burburintiisa.

Inta xubnaha Golaha Shacabka (Baarlamaanka) iyo madaxda dawladda Somaaliyeed ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u heli lahaayeen xulufo siyaasadeed iyo loolanka dhisidda dawladda soo socota, ayaa mucaaradka xagjirka ah oo runtii ka uruursan, lehna kala danbayn ayaa maalinba maalinta ka danbaysa awood sheegashadoodu ay sii adkaaneyso. Waxay mucaaradku bishii hore  ku amreen oo ay albaabada isugu dhufteen hay’adaha warbaahinta ee caalamiga ah sida idacadda BBC oo laga leeyahay carriga ingriiska yo idaacadda VOA oo ku hadasha magaca dawladda Mareykanka.

Waxaan qarsoodi ahayn tan iyo intii lagu soo dhaariyey dalka Jabuuti, Dawladda Federaaliga ah ee Soomaaliya, waxay dhumisay kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed iyo tii caalamkaba oo ay u baahnayd si ay fuliso qorshaheeda horumarineed, haddii ayna la imaan caqli iyo qorshe fog oo cusubna waxay  halis u tahay dawladdu in ayba burburto.

Shabakada Hiiraan waxay ku boorrinaysaa madaxda Dawladda Soomaaliyeed in ay u dhaqmaan sidii dad xilkas ah, kana hormariyaan danta qaranka Soomaalyeed midooda shaqsiga ah iyo horumarinta hamigooda siyaasadeed. Waxaan ku adkayneynaa Madxweyne Shariif Sheikh Axmed in uu horyaal ka noqdo sidii loo xallin lahaa khilaafka dhexyaala madaxda golaha dadwaynaha iyo dawladda kuna dhameeyo si walaaltinimo ah isagoo tixraacaya axdiga ku meel gaarka ah ee qaranka.

Aragtida Hiiraan Online
[email protected]



 





Click here