4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Nin Tahriiba

Qore: Mohamed Gacan
Sunday, January 03, 2010

Waa gabay taabanay xaalada nolosha iyo saadaasha labada qof ee kala jooga wadankii iyo kan jooga qurbaha oo midiba ka kale tuhmayo , Noloshu waa sida kaluunka bada ku jira oo marka shabag loo daadiyo kan shabaga ku jiraa waxa uu yidhaahdaa ilaahayoo mar uun yaa ka bixiya shabaga kan dibada joogaana ku hamiyaa inuu shabaga galo, Qofka qurbaha jooga waxa haysta durufo nololeed oo

• La jaanqaadidida nolosha


Nolol cusub oo leh jahwareer aduunyo ka duwan tii uu horey ugu noolaa ee hawadeedu saafiga ahayd aan lahayn qiiq hawada lagu sii daayo jacbur nololed sheeko aan kala go,lahayn dadkii oo wada garnaya salaan diiran iyo ixtiraam hadba heerka nolosha uu tagan yahay ku xidhan laguna qadariyo qofka aad tahay tan uu hada soo galayna amaba uu ku nool yahay ay tahay mid aan sidaas qofkan loo daryeelin wax kasta oo ad tahay aad ka tahay qof madow, qaxootiya, nolol raadisa soo laaqay dalkiisii oo layska kaa ilaaliyo laguguna shaqaysto inta aad karti leedahay hadhowna laguu bixiyo magac layidhaa (batient,arbeitlos,eltern,weichio)waynaaday ,shaqayn karin ,gaboobey ,waayeel


• Dhaqan la qabsi

Cunto oo ah lafdhabarta qofka aadana ah oo ka duwan tii uu horey u cuni jirey in uu had iyo jeer ka warwaro waxa uu cunayaa waxa ay yihiin, diintu ma ogoshay mise ma ogola? su'aal had iyo jeer ka guuxda maskaxda qofka qurbaha ku nool , dharka oo ah ahmiyed aad u wayn oo aan sidaa ugu waynayn qofka aad la dariska tahay nin, naag ,ilmo, waayeel , iyo dhamaan bulshada, cawro waxii aad u taqaanay oo aan ahayn , meelo loogu tala galay in la qariyo jirka aadanaha oo qaawan , sida aad dhulka u eegayso si aad uga badbaado cawrada aadanaha marmar aad gidaarada jidho ama aad ku talaabto ishaaro xidhan aadan ku dhawaato inaad khatar u gasho Nolosha

• Maaraynta nolosha

Waxa la qaataa cayr, ama qof shaqeeya qatana  mushahar ku filan nolosha caadiga ah ,qof qaata mushahar kan dabaqada dhexe ah oo ah kuwa ug wanaagsan ahna dadka nasiibka u helay inay wax bartaan kuna shaqayntaan aqontooda oo ah dad aad u tiro yar marka loo eego bulshada inteeda badan , hadaba kuwana waxa dhibato haysta maraynta nolosha sidii ay iskugu dheelei tiri lahaayeen lacagt asoo gasha iyo tan ka baxaysa ugana samayn lahaayeen dhigaal , waxa laga rabaa
kiro,laydh ,biyo,caafimaad, cunto,warbarasho baabuur raac qofkii leh (balwad )sida jaad ,sigaar ,iyo waxyaalo kale oo qurbaha loogu yimi
waxa warwar ku haysa qofka sidii uu noloshan ugu maarayn laha lacagta soo gasha ,waxa intaad dheer biilkii loo dirayay wadankii oo isagauna jogta ah ayna ku lifaaqan tahay masiibada kusoo darsoonta nolosha cadiga ah oo laga rabo qofka qurbaha jooga

• iyo hami wadan

Qofkasta oo qurbaha joogaa waxuu jecel yahay inuu guri ka dhisto wadankii uu iska laabto hadii daruuf u samaxaysaa jirto oo uu kaga maarmai karo noloshan qurbaha ee leh maanguurinta ,maskax ciyaalaynta , jahawareer aadan garnayn Noloshaadu meesha ay ku danbayn doonto iyo meesha ay u socoto ,

Kan wadanka jooga waxa hayta

• Hami nololed

Qofka wadankii ku nool waxa agtiisa buuxa been abuur aad u badan iyo fiiro gaara oo u siiyo hadalada buufinta ah ee maskax maydhida ah ee laga sheegayo nolosha qurbaha kuna taamaa inuu gaadho himilo ay ku dheehan tahay nolol wanaagsan, aan lahayn carqalado nololeed ,gaajo,hu',labis marka laga reebo uu helayo seero aad u baladhan oo ay kujiraan dhamaan kaabayaasha nolosha aan lahayn warwar ,wareer,iyo fikir nololeed uu gadhayo jano gaaban

• Aduun raadin

Qofkasta oo dalkii joga waxa hamigisia kujira inuu qurbaha tago soo shaqaysto oo uu soo tabcado lacagta badan ee qurbaha taal , ka dibna uu  kusoo laabto dalka uu ka samaysto nolol wanagsan oo dhaanta tan uu hada uu ku nool heer kasta oo ay gadhsiisan tahay ilayn isha aaduhu ma daashee,hamiga aadanahuna ma dhamaado ilaa inta uu ka dhimanayo wax uunbuu tamaniyaa

• Aaminaad la,aan

Waxa jira aaminaad la,aan baahsan oo saamaysay dadkii joogey dalkii qofkastaana uu doonaya inuu qurbaha dago nololkasta haku haysta wadankii iasaga oo ak baqaya in uu burburo dalku uuna ka samato baxo noloshan ku dhisan warwarka ee taala dalka kuna nagado nolosha bila warwarka ah ee taala qurbaha sid auu aamina san yahay

• Ma shaqayste nimo

Qofkasta oo wadankii  jogaa ma rabo inuu shaqaysto isaga oo ka suga lacag dad kale oo ku jira nolol adag oo qurbah ah iyada ooo ay buuxaan wax laga shaqeeyaa aya hadana ay ka cawdaan dadka wadanka joga shaqo ma jiraan tusale ahaan qofka askariga ah nolosha uu ku haysto halkan iyo mushaharka uu qaataa waxa ay ku salaysan yihin nolosha halkan waana darajada ugu hoosaysa nolosha cadiga ah ,marka la barbardhigo kanwadankiina isku lacag ayay qaataan lakin wax kala duwan qiimah ay ledahay lacagta la siiyaa oo ku xidhan mesha u joogo iyaduna sidoo kale waxay ku salaysan tahay hadba nolosha u ku noolyahay qofkan waayo qiimaha 1kg oo bariis ah wadankii inta uu ka joogo ,halkan kama joogto isna waa midi la socda oo ku salaysan nolosha caadiga ah ee halkan qurbaha ama wadakii 

Sidee layskugu maaraynkaraa si labadadaba wax loo fahan siiyo ama loo hogo tusaaleeyo mid walibana looga saaro xayndaabka nolosha ee ku gadaaman
 
• Tusmo iyo ujeediyo
• waxa iga tusaala ah
• inta tugan dalkiiyee
• caqligoodu taam yahay
• kuna taama yuun wali
• nin tahriiba mooyee
• haday cidiba taag qaado

• Doqon iyo nin tiiciyo
• nin taag dareeyiyo
• tabar darane mooyee
• haday cidi tukaanayso

• In la tago qurbaha iyo
• la tahriibo mooyee
• hadii calaf la taabtaaba


• Doolar tooska buuxiyo
• lacaguun  la tiriyiyo
• aduun koo la taabtiyo
• tuwaynoo la qaadaa
• kali uun qurbaha tugan

• Taam yeel alahayoow
• hamigayga oo tabi
• inaan qurbaha tago
• oon tiriyo lacagtaa
• iska taal gidaarada
• toobin wayn u qaatoo
• utabiyo wadankii

• Ninkii qurbaha tagay
• tu kalaa haleeshoo
• cilmigii la tabin jirey
• aqoontii taxnaydee
• ilaa tiro awowyaal
• tixmaaluun  ku hadhi jirey
• laga sii talaabsaday
• tu kaloo ku dayasha ah
• loo talaabsanaayoo
• qurbuhuun la tugan yahay
• caydhuun la tiriyoo
• laga tagay dad nimadii
• barafkuna ku tuulmoo
• tacabkii khasaaroo
• kaligii hirwada tuma

• waa nolol tusaale ah
• hamigii ka tagayoo
• turuquun la maaloo
• meel sare adoo tagay
• cilmigaagu taam yahay
• la tixgalin aqoontaa
• sifahana ka tahay uun
• qaxooti tabaaliyo
• tamar daro ku raagtoo
• tayadiis gafnowdoo
• aan lahayn tixmaaloo
• taariikh lagu aqoonoo
• tafahiis madow yahay
• ka tilmaaman umadoo
• sidii tuka canbaarlaad
• hadba toox u joogsani

• intaad tamarta haysee
• muruqaagu taam yahay
• waad tiirin barafkoo
• ku tashani xamaal nimo
• hadii turuqu liicoo
• lagu wada tigtiga oo
• tamar beesho kaligaa
• waad timaaman tahayoo
• lagu tuuri ood tabi
• wadankaagii tagidii

• labadaasi kala tagay
• tilmaant iyo  halkeebay
• tuducdoodu joogtaa


Mohamed Gacan
E-mail: [email protected]



 





Click here