4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Waa loo soo tuuray, Waa soo dhacay iyo….

Qore: Yusufbile Abdi
Wednesday, March 17, 2010

 

“War yaatahay aan kula raadiyee cid aad is yeelataan?” waxay ahayd su’aashii saddexaad ee uu qof

Somali ah iwaydiiyo maalintaydii saddexaad ee noloshayda cusub Netherlands. Dabcan, lama yaabin su’aashan waayo waan ogaa in dadka qurbaha jooga qaarkood ay qabyaaladda sidii lacata u xawilaan, lakin ma filayn runtii inay noqonayso su’aashii 3aad kadib magacayga iyo waqtiga aan Netherlands imid.

 

Waxay ahayd 5tii Juunyo, 2009kii markii la i keenay xarunta soodhawaynta iyo dajinta dadka  magangalyo doonka ah ee magaalada Almelo ka dib markii (Taxi) la iiga soo qaaday xarunta gudbinta codsiga magangalyo doonka ee  Schiphol. Xaruntan la ikeenay iyo dhamaan xarumaha soo dhawaynta dadka magangelyo doonka ah ee dalkan Netherlands waxaa maamula hay’adda guud ee dajinta iyo soodhawaynta dadka magangelyo doonka ah ‘Central Organ Opvang Asielezoeker’ oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan COA (Kuwa).* Dadka badankii siqaldan, lakin la fahmikaro, ayay ugu dhawaaqaan oo waxay yiraahdaan: KAAWADA.

 

Waxay ahayd galab aad u dheer oo qorraxi jirto lakin runtii aniga xoogaa qabow bay ila ahayd. Galabtaas waxaa iga muuqday daal qofkii i arkaa uu dareemi karo inaan dadka ka yara duwanahay oo aan u baanahay inaan intaan wax cuno dabadeedna nasto; sidaas baana la’ii waydiiyay su’aashaas kor xusan, si la’iigu raadiyo qof i diif tiro maadaama xilligaas ay ahayd xilli dambe oo shaqada laga rawaxay fursadda iigu soo horayso oo aan la kulmi karo mas’uul ka socda COA-na ay ku aadantahay 60 saacadood ka dib; waayo waxaa soo galayay fasaxa sitimaanlaha ama Weekend. Markaa waxay noqotay in qodob la’iiga baaro dastuurkii dib inoo dhigay (Qabiilka). Haddiise aan runta kuu sheego, akhristoow, nasiibwanaag waxaan meesha kula kulmay dadkale oo AANAN isku I.D. ahayn lakin si sharaf iyo Soomalino leh ii sooray.

 

Su’aashan waxay igu dhalisay inaan isku dayo inaan waxbadan ka ogaado fikirka, himilooyinka ama guud ahaan sida ay u noolyihiin Soomalida ku jirta xeryaha magangalyo doonka ee dalkan Netherlands. Runtii ma ahan howl sahlan lakin haddii aad u kuurgasho waxaad arkaysaa dhowr arimood oo ay ka midaysanyihiin marka laga tago faraqa yar ee jira. Sidaa daraadeed, qoraalkaygan wuxuu ku koobanyahay inta ay ka midaysanyihiin Somalida aan ku arkay xarumaha aan aniga shaqsiyan booqday iyo inta aan kala sheekaystay dadka ku nool xarumaha kale. Arinta qabiilka aad isuguma mashquulin waayo si wayn buu qabiilku u jiraa; waxaad maqlaysaa: “Labo REER HEBEL ah ayaa la keenay maanta, war iyagaaba ugu badan markaan meesha iyo mid ANNAGA ah ayaa farihii laga helay daraad.” Nasiibwanaag, qabyaaladdu xoogaa way yartahay, Ilaahay ka sokow, waxaa mahaddaa iska leh sharciga iyo kala dambaynta.

 

 Deegaanka Iyo Dadka Sida Ay Ugu Noolyihiin:

 

Deegaanka xarumaha magangalyo doonka waa mid ilaa iyo xad si fiican loogu noolaankaro lakin waa mid habeenkii aad u buuqbadan marka loo bar-bardhigo maalintii. Dadka kunooli way kala jinsiyado duwanyihiin. Tani waqtiga hore ee la isku cusubyahay waxay sabataa kala didmo iyo isdiidmo waayo dadka badankiis dhaqamo badan ma soo arkin. Dadka Somalida oo ah qowmiyadda ugu badan ee xeryaha magangalyo-doonka ku jirta qaar farabadan  way qayilaan oo Qaad bay u fadhiyaan habeenkii, kooxkale xashiishadda iyo khamriga baa lagu xantaa, lakin kuwaaba ku faana oo ilbaxnimadu ka gashay dhankaas.

 

Kooxdan waxaa la dhahaa ‘Beerteey ku jiraan’ oo micnaheedu yahay ‘noloshay ka dhaceen’, lakin iyagaba way isdifaacaanoo waxay isticmaalaan erayo isdifaaceedkan: ‘Ha igu mashquulin iyo caadi iska dhig.’ Tan micnaheedu waxaan u fahmay xumaantayda ii daa.

 

Qaarkale waxay waqti dheer daawadaan aflaam taxane ah; kuwa kale waxay aad ugu hadlaan taleefanada gacanta. Waxaan aad ula yaabay gabdhaha qaarkood: si shaqada ay gacmaha ku hayaan u xayirmid ama murqaha gacanta uga daalin waxay moobayladooda marka ay hadlayaan dhex galiyaan inta u dhaxaysa gambada madaxa u saran iyo dhagta. Runtii waxaad arkaysaa mar-marka qaar gabar jidka socota oo kaligeed inay isla hadlayso aad moodayso, lakin qofkii si fiican usii fiiriyo wuu arkayaa in mobile dhafoorka ugu dhaganyahay. Dabcan, in badan oo ka mid ahi war uma hayaan inay karinayaan maskaxdooda ama ay wax u dhimayaan dhagahooda, waa sida ay qoraan warbixin cilmiyeedyada caafimaadka.   Dadkan  xarumaha ku nool badankiis waxay soo toosaan maalintii xilli dambe. Waxaa wax caadiya iska ah in qofku uu u soo toosi waayo fasalka luqadda lagu barto ama ballamo kale oo muhim u ah howlihiisa magangalyo doonka. Arintani waxay sababtay in  dadka badankiis ee xeryahan ku nooli noqdaan kuwo aanan ku hadli karin luqadda, xitaa in yar, iyagoo weliba joogay dalkan muddo ka badan 2 sano fursad ay xoogaa luqadda ku bartaanna heli karay.

 

Himilooyinka:

 

Dadka xeryaha ku nooli oo dhan waxay rajadooda ka eegaan muraayadda warqadda boostada lagu soo dhajiyo maalinkastaa. Holland waa wadan warqadaha aad loogu xiriiro, oo waxaa la dhahaa wadanka warqadaha. Hadaba, markii aan si fiican ugu fiirsaday dadka Soomaalida ee aan arkay waxay noloshooda ku soo koobeen inta ay xeryahay ku jiraan saddexdan jumladood ama jumlad u ekeyaal:

  1. Waa loo soo tuuray
  2. Waa soo dhacay
  3. Waa ku dhufsaday

 

Ereyadan midkastaa wuxuu ku fadhiyaa micno iyo xilli muhim u ah inta uu qofku sugayo dacwadiisa magangalyo doonka ilaa uu uguurayo guriga dowladdu siisay:

 

  1. Waa loo soo tuuray, sida aad micnaha ka garanaysidba ma ahan wax fiican (aragtida qofka caadi ah ee Soomaaliga.) Waxaa loo isticmaalaa “waraysiyadda, baaritaanadda dheeraadka ah iyo ballamaha la xiriira codsiga magangalyo doonka” Tusaale ahaan, dadku waxay dhahaan: “Interview ama waraysi ayaa loo soo tuuray; ballan lawyer ama ballantii qareen baa la ii soo tuuray; aqrisbaa loo soo tuuray; sixitaankii Interviewga baa la ii sootuuray; baaritaan faro ayaa hebel loo soo tuuray IWM…” Haddii qofka boosto loogu soo diro Negative ama la diidmada codsigiisii magalgalyo  xitaa wuxuu soo galayaa marxaladdan, oo waxay leeyihiin: “Hebel negative baa loo soo tuuray!” Si kooban haddii aan wax kuugu sheego; wax kastoo aan fiicnayn, halkan, waa ‘waa loo soo tuuray.’

 

  1. “Waa soo dhacay” waa marxalad ka fiican marxaladda “waa loo soo tuuray.” Tusaale ahaan, Sharciga kunoolaanshaha wadanka; Numberka diiwangalinta qofka; Kaarka Bankiga ama xisaabta shaqsiga ee baanka; Kaarka Caymiska intan oo dhan waxaa loo isticmaalaa ereyga “ waa soo dhacay.” Waxaad maqlaysaa “ Hebel sharicigiibaa u soo dhacay IWM” Ereyga “LAFTA” waa erey bixinta cusub oo aan ka bartay halkan. “LAFTA” waxaa loo yaqaan cardka Balaastiiga ah ee adag ama ID-ga. La soco, Lafta waxay ku jiraa marxaladda “waa soo dhacay.”

 

  1. “Waa ku dhufsaday” sidoo kale waa eray aad muhim u ah oo tilmaaya rajo fiican. Waxaa loo isticmaalaa raadsashada guri uu qofku dago si uu uga baxo noloshan xerada magangalyo doonka ah. Qofka markii uu Lafta helo waxaa la siiyaa Pincode ama numberka sirta ah si uu u galo bogga internetka ee COA-da leedahay si uu  “u click-keeyo” guriga uu danaynayo. Waxaad maqlaysaa “manta 3 guri baan ku dhufsaday ama manta wax maku dhufsatay?” Waxaaba la isku xifaaleeyaa ‘waa ku dhufsaday ma gaartay mise…?’

Lakin su’aasha muhimka ah waxay tahay nolosha oo dhan ma istaahishaa in intaa lagu soo kobo oo aan laga fikirin xitaa wax kale? Waxaa aad ii dhibay oo aan kanaxay in noloshoo dhan ay ku soo koobantay saddexan marxaladood iyadoo ay jirto fursad ballaaran oo uu qofku wax ku barankaro isagoo xitaa aan gaarin ‘waa soo dhacay...’ Waxaa jirta oo aan xaqiijiyay aniga shaqsiyan in waqti gaaban lagu xaqiijin karo in uu qofku noqon karo qof fir-fircoon bulshada ka mid noqokara kana, faa’iidaysta Somalidana u faa’iidaynkara, waxbarashadiisiina sii wadan kara si fudud, lakin waa haddii qofku ka baxo noloshan qiyaaliga ah ee ku kooban inta aan kor ku soo sheegnay oo raadiyo fursadaha jira ee uu xaqqa u leeyahay. Waxaan ka wal-walsanahy runtii inay jiraan dad faraban oo wax soo bartay oo aan ka faa’iidaysan karin fursadaha waxbarasho ee jira, waayo ‘iyagaa is aasay ama isduugay’ sida ay ii sheegeen sababtoo ah waxay isku diiwaan galiyeen ama isku dhiibeen ‘waxba ma qoro waxna ma aqriyo!’ Waana  talooyin is-dilid ah oo ay siiyeen dad ay talo waydiisteen oo wadanka kaga soo horeeyay.


 Yusufbile Abdi

Faculty of Humanities

Language Centre (Student)

University of Leiden, The Netherlands

 

[email protected]

 

You can reach Yusufbile’s profile: http://www.trcb.com/author/yusufbile.htm


* Dhawaaqa oo Af-Somali u qoran



 





Click here