4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maalinta Hooyada

Bashir Goth
Monday, May 10, 2010

Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May xusa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo aradka kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin lagu xusuusto.

Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga, indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.

Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa fahmaya Af-Soomaaliga ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.

HOOYO

Dunidoo holcaysoo
Hooyo

Halasuhu wax leefay
Hooyo

Halkaad adigu joogtiyo
Hooyo

Hadh qaboobidaayey
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo.
***

Jiilaal hawaarsaday
Hooyo

Hamadigu wax laayay
Hooyo

Goshaad igu habaysiyo
Hooyo

Hugaagii dugsoonaa
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Colaad la isku hiifiyo
Hooyo

Meel balo ka hoortay
Hooyo

Hoobeeyadaadaan
Hooyo

Hurdo nabad ku seexdaa   
hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Anoo kaa hulleelaad

Hooyo

 

Hareertayda joogtaa
Hooyo

Dhagixii i hantaaqaba

Hooyo

Hobo' baad i leedahay
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***

Anoo kuba hilmaamaad
Hooyo


Laabta igu haysaa
Hooyo

 

Habaar iima quudhide

Hooyo

Ducaad igu hagoogtaaa
Hooyo

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo

***

Halyeey iyo haldhaa iyo

Hooyo

Hoodo iyo Hibaaq dhala

Hooyo

 

Hadba kii hafeef qaba

Hooyo

Hurdadawga saakuma

Hooyo

 

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo

***

Waan arkaa humaaggii

Hooyo

 

Adoo igu hadraayee

Hooyo

 

Hadhka iyo habeenkii

Hooyo

 

Waan kugu hadaaqaa

Hooyo

 

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo

***

 

Eebbeheen ku hanayoo

Hooyo

 

Wadka maalmo kaa hay

Hooyo

 

Oo jannooyin hooda leh

Hooyo

 

Ku waar hoyga aakhiro

Hooyo

 

Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo

Bashir Goth
Email: [email protected]

 





Click here