4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Macnaha dib-u-heshisiin

Qore: C/wahab Baajeey - ku aqriso Af-Ingriis
Monday, November 08, 2010

Waxaa maqaalkan fasiraad looga bixin doonaa macnaha erayga dib-u-heshisiin iyo qaabka dib-u-heshisiin looga fulin karo dalka Soomaaliya.

Inta aanan u guda galin xaaladda Soomaaliya, aan marka hore meel dhigno macnaha erayga iyo goorta ay munaasab ama lagama maarmaan tahay dib-u-heshisiin.

Macnaha

Waxaa hubaal ah in is af-garawaa uu imaan karo, mar hadii ay kulmaan aadane, xaywaan ama kooxo. Is af-garwaa waa wax caadi ah oo ka dhax dhici kara dad aan hore wax xariir ah uga dhexayn ama kuwo hore u lahaa xariir wanaagsan. Arintaa ayaa timaado marka dadka ay mowqifyadooda nololeed, siyaasadeed ama diineed uu kala duwanaado.
Intabadan waxaa xaalada is af-garawaa (conflict resolution) lagu xaliyaa wada hadal. Haatan (sanadka 2010) wadamada reer galbeedka uu ugu horeeyo dalka Holland, Canada, UK iyo USA waxay si dhab ah u aqoonsadeen jiritaanka xirfadda dib-u-heshisiin iyagoo markaa ardaydood  jaamacadaha baro qaabka loola macaamilo marxaladaha is af-garwaaga. Sidoo kale waxaa soo kordhaya dadka xirfadaan soo bartay ee ka hawl-gala shirkadaha waaweyn ee dalalka reer galbeedka. Go’aanadaan ayaa ka dambeeyey kadib markii daraaso lagu sameeyey cadadka maal / naf ee lagu waayo marxaladaha is af-garwaaga.
Qaabka loo wajaho xalinta is af-garwaaga, waa  mid inta badan ku saleysan dhaqanka dadka uu is af-garwaagu u dhaxeeyo (methods resolutions).

Soomaaliya

Dalka soomaliya wuxuu in ka badan 20 sano ga dudbi la’yahay colaad naf iyo maal badan lagu waayey. Is af-garawaagan ayaa waxaa loo sababi karaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin: faragelin shisheeye, aamin-darro, siyaasad, qabiil i.w.m. ah. Waxaa lagu doodi karaa in faragelinta shisheeye ay tahay mid ku timid rabitaanka hal ama dhowr qabiil. Sidoo kale aamin la’aanta ayaa ah mid ku timid falal siyasadeed ay ku kaceen dad matalayey ama ku hawlanaan dano qabiilka ay kasoo jeedan. Sida awgeed waxaa la oran karaa in is af-garawaaga ka jira dalka Soomaaliya uu saldhig u yahay qabiil.

Hadaba si xaaladan cakkiran looga gudbaa waa in marka hore la fahmo ama laysla meel dhigo saldhiga is af-garawaaga jira. Waxaa sanadahii ugu dambeeyey soo maray dalka Somaaliya dowladdo ku meel gaar ah, oo isku dayey in ay sameeyaan dib-u-heshisiin. Nasiib darro, midkood kuma guuleysan hawshani dib-u-heshisiinta. Wasaradihhii arintaan loo xilqaamay uma aysan hirgelin howlihii loo igmaday. Guul-darradaan waxaa u sabab ah iyadoo laga caga-jiiday in si dhab ah loo baaro saldhiga is af-garawaaga iyo aqoon la’aan haysatay dadkii hawsha fulin lahaa.

Waxaa dhacday in dadka qaar ay aqoon la’aan jirta awgeed isku dareen halwaha dib-u-heshiisiinta iyo hawlaha gar-qaadista. Mar hadii dadkii wax heshiisiin lahaa ay ku hawlan yihiin qabiilkee gar leh, keesa laga gar-darran yahay, dib-u-heshiisiintu way sii fogaaneysaa. Sababtoo ah qabiil walba wuxuu hubaa/aminsan yahay in uu isagu dhibane yahay, mana jidho qabiil ogol in uu dambiile yahay. Waa sax in qofkii dambi geystay maxkamad la taago, balse is af-garwaaga Soomaaliya maahan mid maxkamad xalin karto. Hadaba si xal waaro loo helo, waxaa muqaddas ah in la helo wasiir haysta aaminaada qabiilada Soomaaliyeed oo aan matalin danaha qabiil gaar ah. Wasiirkaan waa in uu ahaado mid aqoon u leh, oo agaasmi karo hawlaha dib-u-heshisiinta oo lagu lifaaqayo dhaqanka Soomaaliyeed.  

Tusaale

Wuxuu wasiirku hawshiisa kasoo bilaabi karaa Raaskamboni isagoo ilaa Raascasayr booqanayo qabiilada ku dhaqan. Maadama uusan jirin ‘dambiile’ waa in uu isagu ku hadlaa magacyada qabiilada oo idil marka uu raali gelinayo qabiilka uu booqashada ugu joogo. Inta uu ku guda jiro booqashada waa in uu astamaha wanaagsan ee Soomaaliya sida geel la’isa siiyo, ceel la qodo iyo geed la talaalo uusan ilaawin. Astaamahan waa kuwo dhaqaale ahaan raqiis ah, balse dhaqan ahaan aad qaali u ah. Waxaa dhici karto in dalka Australia oo tirada saa’idka ee geela xal u raadinaya, in ay garab istaagaan wasiirkan ku hawlan dib-u-heshiinta.
waa run in geel  la’isa siiyo ama ceel la qodo aan xal lagu gaadheyn, balse tani waa bilaaw fiican oo oo ay soo dhaweyn doonaan qabiilada intooda badan.

Sharuud

Wasiirkan waa in uu ahaado mid haysta aaminaad ku filan isla markaana ka madaxbanaan dano qabiil gaar ah, kana madaxbanaan howlaha maxkamdeynta hoogmiyaasha ku eedysan dambiyada dagaal. Eedysanayaashan waa kuwo inta badan haysto taageero qabiilka ay kasoo jeedaan, maadaama sanadhihii lasoo dhaafay ay ahayeen kuwa kaliya ee gashaanka u dhiga weerarada lagu soo qaado qabiilkooda.
Sidoo kale wasiirku waa in uu ahaado shaqsi aqoon dheer u leh arimaha dib-u-heshisiinta, si markaa uu u doorto qaabka (method) ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xaalka Soomaaliya:

·         Win-lose

·         Lose-lose

·         Win-win strategy

Waa run, in ay adagtahay sida uu wasiir cusub ku helo aaminaada shacab iyo qabiilo dhowr sano aan arag wax cadaalad iyo dhex-dhexaad u dhaw. Balse hadii uu wasiirku la yimiaad dhaqan wanaagsan oo waafaqsan dhaqanka Soomaaliyeed, oo qancin kara shacabka iyo qabiilada Soomaaliyeed, wuxuu kasban karaa kalsonidooda.

 Gunaanad

Xallinta is af-garawaaga Soomaaliya waxa cusleeyey ma’aha nacayb iyo madax-adeyga shacabka ama qabiilada, ee waa maqnaashaha shaqsi ama wasiir dhex-dhexaad ah, oo aqoon dheerad ah u leh hawlaha dib-u-heshisiinta iyo ka maqnaasha miiska dib-u-heshisiinta ee Soomaalida dibad jooga ah. Waxaa markale in la xusso muddan in qabiilada Soomaaliyeed sanadihii tagay ay ka daaleen wasiiro isku sheegyo u olo-oleynayo danaha qabiilada ay kasoo jeedaan (nepotism).


C/wahab Baajeey, Holland, feedback? [email protected]

maqaaladii hore:
Macnaha guusha iyo wadada loo maro
Burcad badeed?
Guul ama geeri



 





Click here