4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Talooyin Ku socda Ra’sulwasaaraha La Magacaabi Doono

Qalinkii: Axmed Cusmaan
Monday, October 04, 2010

Intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii, waxaa marar badan la isku dayay in Soomaalidu ay markale soo ceshato jiritaankeedii dawladnimo. Dadaal kasta oo la isku dayo waxaa soo foodsaarayay caqabado aad u faro badan. Waqti badan ayay u baahan tahay haddii la isku dayo in gadaal loogu noqdo khilaafaadkii badnaa ee soo kala dhexgalay madaxweynaayaashii iyo Ra’sulwasaarayaashii kumeelgaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya

Waxaan isku dayay inaan xiriir la sameeyo dad badan oo ka agdhawaa dawaladdii ugu dambaysay ee lagu soo magaacaabay waddanka Djibouti

Waxaan jeclaystay inaan bidhaamiyo arrimo dhawr ah oo sabab u ahaa khilaafkii ugudambeeyay ee Madaxweyne Shariif  iyo Ra’sulwasaare Omar Sharmarke.

Waa suurtogal inay arrimahaan haddii uu Ra’sulwasaaraha cusub madaxa ku hayo ay gacan ka gaystaan inayan is khilaafin Madaxweynaha, sidoo kale waa suurtogal in dad badan oo soo codsaday jagada Ra’sulwasaarinimada ay laba jeer ka fakaraan inta ayan codsan jagadaan.

Ra’sulwasaaraha cusub waa inuu maskaxad ku hayaa

1.      Inay u badan tahay in golaha wasiirada magacyadooda uu kuu soo gudbiyo madaxweynuhu, adiguna aad ku dhawaaqdid. Haddii golaha wasiiradu ay waxba qaban waayaan eedda adiga ayaa iska leh 100%, hana fogaysan haddii madaxweynihii magacyada kuu keenay uu ku eedeeyo golaha wasiirada inayan waxba qaban ama ayan aqoon iyo khibrad lahayn. Haddii aad adiga oo shaqadaada ilaashanaya ama madaxweynaha Ixtiraamaya aad aqbashid golaha laguu keenay, waa kugu adkanaysaa inaad waqtiyada soo socda yeelatid go’aan ka duwan kan madaxweyanaha

2.      Maskaxda ka saar qaabka uu adduunku u shaqeeyo iyo in shaqada lakala leeyahay

3.      Ha yaraysan Baarlamaanka, waayo waxaa dhici karta in iyadoo ay 30% xaadir yihiin uu gudoomiyaha baarlamaanku shir jaraa’id qabto kadibna uu yiraahdo waxaa joogay 99%!!!!!

4.      Markasta maskaxda ku hay erayga dawlad midnimo qaran, afkaagana ka ilaalin erayga Federal, waayo dagaalka Soomaaliya intiisa badan wuxuu salka ku hayay dad goboladii ay degenaayeen kasoo guuray, haddii gobalaysi yimaadana waxaa dhacaysa in gobol kasta ay ka arrimyaan dadka degaankaas ka soojeeda

5.      Haddii khilaaf yimaado, dharciga ha ku fakarin, waxaad iswaydiisaa lacagta aad u baahan tahay si sharciga loogu hiilliyo

6.      Maskaxdaada ka saar inaad xisaabta ku dartid gobolada Soomaaliya ee nabadda ah, waayo Ha’adaha samafalka iyo madaxada musuqmaasuqa doonaya waxay dhaqaale badan ka samayn karaan goobaha uu dagaalku ka socdo, haddii dhulka nabadda ah la maalgaliyana waxaa dhacaysa in dad badan xabadda ka cararaan markaasna ay lacagtii meesha ka baxdo

7.      Markii amniga waddanka laga hadlayo in badan ha fara galin waayo madaxweynaha ayaa ah masuul ka ah ciidanka qalabkasida

8.      Wasaaradda Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, dhammaan shaqadoodu waa isku mid marxaladda hadda lagu jiro, waxaa kuu fiican inaad jagooyinkaan u magacawdid dad ay madaxweynaha iska agdhaw yihiin

9.      Safarada dibadda madaxweynaha u daa xataa haddii adiga lagu casumo, madaxweynaha ku xushmee waayo isaga ayaa doonaya inuu shir walba tago

10.  Ha isku dayin inaad dhamaystirtid arrimaha dawladda sida safaaradaha, wasiir ku xigeenada iwm waayo waxaa jira ballanqaadyo badan oo madaxweynuhu sameeyay, iyo iyadoo ay haddii qof mucaaradka kasoo noqdo aan la helayn wax la siiyo

11.  Iska illow in Soomaaliya yeelato Dastuur Rasmi ah

12.  Madaxweynaha ha waydiin arrimo horay loo bilaabay oo la doonayo in la dhamaystiro, marna gadaal ha jaleecin, lama jecla qofka ka hadla wax la soo dhaafay

13.  Markii aad warbaahinta la hadlaysid, ha ka xishoon beenta ah in Soomaaliya shareecada Islaamka lagu xukumo

14.  Dadka uu madaxweynuhu kuu keeni doono si ay xafiiskaaga kaagla shaqeeyaan soo dhawee laakiin waxyaalaha aadan rabin in cid kale ogaato ka ilaasho

15.  Taleefoonada lacag la’aanta ah ee ay shirkadaha teleefoonadu kuu keeni doonaan qaado laakiin in badan ha adeegsan, waa lagu dhagaysanayaa waana la duubayaa waxaad ku hadlaysid

16.  4.5-ku waa la jiifiyaana banaan, haddii liiska wasiirada ay ku jiraan 3 qof oo isku hayb ah, ha yaabin

17.  Haddii madaxweynuhu yahay qofka masuulka ka ah beeshiisa, gudoomiyaha baarlamaankuna sidoo kale yahay msuulka qabiikiisa wax laga waydiiyo adiguna ku dadaal inaad beeshaada uruurisid oo xuquuqdeeda raadisid, haddii aad beeshaada lumisid, waqti badan qaadan mayso inaad adna kursiga lumisid

18.  Marka lagu dhaarinayo isku day inaadan kitaabka ku dhaaran waayo waxaad ku dhaaranaysid ma oofin kartid

19.  Arrimaha dhaqaalaha la xiriira waa arrimo aad xasaasi u ah, waxaa lagama maarmaan ah inaad arrimahaan hoos ku qoran maskaxda ku haysid

·         Wasaaradda Maaliyadda waxaa quman in lagu magacaabo qof aan aqoon lahayn, haddii la yiraahdo wax hala qoro, dhibaato weyn ayaa dhacaysa waayo lacagta magaca Soomaaliya lagu soo qaado, 1% ma dhamma inta lagu sameeyo wax Soomaaliya dan ugu jirto

·         Markii Madaxweynuhu safar ka yimaado ku dadaal inaad ahaatid qofka ugu horreeya oo si gaar ah u arka, waxa ugu badan oo aad kala hadashidna ha noqdeen dhaqaale haddii uusoo helay iyo haddii kale, sidoo kale qaybta uu adiga iyo xafiiskaaga ugu talo galay waydii

·         Hadii ay dhacdo inaad adiguna wadamada dadka jeeka lacagta ugu shuba (Carabta) aad lacag ka soo heshid, madaxweynaha qaybtiisa ha hilmaamin


Ahmed Osman

[email protected]



 





Click here