4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Fadeexadda Gubidda Shilin Somaliga ee Burco!

Qore: Ismaciil Baaruud
Wednesday, June 01, 2011

Maqaalkan qoristiisu waxaa igu dhaliyey filan waa igaga yimid dad iyo gobol aan wax badan oo wanaag ah ku tuhmayey. Haddii qof aad wanaag iyo xikmad badan ku taqiinay uu la yimaado fal argagax leh, fal aan ka suurtoobin qof miyir qaba, fal aan laga fileyn qof kasta oo Eebbe ku manaystay xikmad iyo garasho, waxaad isweydiineysaa maxaa ku kalifay falkaasi? Ma si ka wanaagsan oo uu wax u xalliyo ayuu waayey? Muxuu sumcad xumida iyo karaama dilka ku doortay? Maxaa Reer Burco oo weligood isticmaali jiray Shilin Somaliga ku kalifay in ay Shilinka gubaan?

 

Si aan su’aalahaasi jawaab ugu helo, waxaan billaabay in aan dad badan oo ka soo jeeda Gobolka Togdheer iyo Soomaaliya inteeda kale aan su’aalo weydiiyo. Waxa dhacay waa fal dambiyeed, waa fal laga naxo, waa fal aan qof miyir qaba ku kici karin iska daa maamul deegaaneyde. Gubista lacagta waa in la ogaadaa sababta Reer Burco ku kaliftay!!!

 

Lacag shaqaysa oo aan been abuur ahayn, wax lagu iibsan karo lana bedelan karo kana shaqayneysay Gobolka Togdheer weligeed ayaa 27 Maayo 2011 lagu gubay meel fagaaro ah. In lacag shaqaysa oo aan been abuur ahayn la gubo WAA ARRIN UGUB AH!  In lacagta dalkaaga aad gubto WAA ARRIN QIYAMKA IYO AKHLAAQIYAADKA KA HOR IMANEYSA!  In sideedaba lacag la gubo WAA ARRIN ILBAXNIMADA KA FOG!   Haddaba, maxaa Reer Burco ku kalifay in ay gubaan Shilin Soomaaliga???

 

Su’aalihii aan dadka Gobollada Waqooyi ka soo jeeda weydiiyey (marka laga reebo Sool, Awdal iyo Sanaag qaybaha Bari) waxay u qaybsanaayeen labo: Qaar la dhacsan gubidda iyo qaar ka soo horjeeda. Kuwa la dhacsan waxay ku doodayeen ‘Waa laga maarmay’, ‘wax astaan u ah Soomaaliya nama soo geli karaan’, ‘waa lacagtii faqashta’, iyo waxyaabo kale oo aan macno fiican ku fadhin. Runtii waxaa hadalkooda laga dhadhansanyey mid hiilo ah oo u muuqda in wixii hadda ka horreeyey ay baahi u qabeen, haddase ay ka maarmeen ka dib isbedelka ka dhacay maamul goboleedka.  

 

Kuwa ka soo horjeeda doodoodu waxay ahayd ‘Shilin Somaliga waa lacagta Soomaalida oo dhan u dhaxeysa oo kan Soomaaliya joogta, kan Djibuuti jooga, kan Kenya jooga iyo kan Itoobiya jooga ay dhammaantood wax ku kala bedelan karaan’, ‘waa lacagta qaranka Soomaaliyeed Burcana waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya’, iyo ‘ in arrintu tahay arrin siyaasad salka ku haysa maadaama nimaadkii kan hadda jira ka horreeyey aanay falkaas oo kale ku kicin’. Waxay leeyihiin nidaam Siilaanyo iyo taageerayaashiisa ayaa ka mas’uul ah fal dambiyeedka loo geystay astaanta ummadda Soomaaliyeed.

 

Togheer oo ganacsigeedu ku xirnaa dekedda weyn ee Boosaaso 20kii sano ee la soo dhaafay ilaa haddana ay xoolahooda iyo badeecadooda ka dhoofaan kana soo degaan ayaa waxay la timid fal aad loola yaabo oo ilbaxnimada ka fog. Uma maleynayo in ay Reer Togheer xoolahooda iyo badeecadooda ka joogsan doonaan dekedda Boosaaso. Ilamana aha in ay Reer Togdheer ka maarmi doonaan isticmaalka Shilin Soomaaliga. Waxaa Shilin Somaliga weli laga isticmaalaa Gobolka Sool, Sanaag iyo qaybo badan oo ka mid ah Togdheer. Marka maxay Shilin Soomaaliga u gubeen Reer Burco?  

 

Gubidda Shilin Somaliga xilli uu Siilaanyo u taliyo maamul goboleedka Waqooyi Galbeed laguna gubay degmadiisa ayna gubeen dadka isaga taageera ayaa waxay dhalisay amakaag. Waxaa arrintan lagu fasiri karaa saddex siyaabood: 1) arrin Qabyaaladeed,  (2) arrin Dhaqaalo sameyn, iyo (3) Ilbaxnimo xumi. Tan kowaad, arrintu waxay u egtahay in aanay Qabyaaldi ka madhnayn. Waxaan sidaa u leeyahay haddii Siilaanyo degmadiisa ay aaminsanaayeen nidaamka maamul goboleedka uu hadda madaxa ka yahay, maxay u taageeri waayeen maamuladii Cigaal iyo Rayaale oo labaduba dadaallo badan ku bixiyey in ay Reer Burco joojiyaan isticmaalka Shilin Somaliga? Tani waxay na tusinaysaa in rabitaanka iyo taageerada maamul goboleedka ay Reer Burco shuruudo ku xidheen. Waxay ka dhigantahay in la yidhaahdo ‘haddii aanu madaxa maamul goboleedka ahayn mid beesheena u dhashay ma taageereyno’. Taasi waxaa la mid ahaa diidmadii ay Habar Jeclo diideen maamulkii uu Cabdiraxmaan Tuur madaxda ka ahaa. Waxaa kaloo la mid ah fidnadii uu Saleebaan Gaal ka abuuray Burco billowgii 1990s ee beelaha Habar Yoonis iyo Habal Jeclo ay sida xun ugu dagaalameen magaalada Burco ka dibna Saleeban Gaal beeshiisa Yarawe loo qixiyey. Ilaa waagaasi, Beesha Habar Jeclo xoolaheeda iyo badeecadeedu waxay ka dhoofi jireen ama ka soo degi jireen dekedda weyn ee Boosaaso iyagoo gacmo furan iyo walaalnimo lagu soo dhoweynayey. Markuu Siilaanyo noqday madaxa maamul goboleedka miyey ka maarmeen Shilin Somaliga iyo dekedda Boosaaso? Marka Siilaanyo ka tago xilka oo uu qof kale maamulka madax ka noqdo, Reer Burco ma waxay ku soo noqon doonaan isticmaalka Shilin Somaliga iyo dekedda Boosaaso?? Aan Dhowrno!!!

 

Waxaa kaloo iyana tusaale u ah in arrintu Qabyaaladi salka ku hayso hawalaha Reer Awdal ay ka wadaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyagoo si cad u sheegay in aanay ka mid ahayn maamulka gooni goosadka ah. Reer Awdal ayaa waxay ku andacoonayaan in ay kalsoonidii kala noqdeen maamulka gooni goosadka ah ayna ka  mid yihiin Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase isweydiin mudan, maxay Reer Awdal u taageereen nidaamyadii Cigaal iyo Rayaale? Maxay tahay waxa ay hadda garteen ee aanay garan markii hore? Reer Awdal taageeradooda waxaa la dhihi karaa waxay ahayd mid aan Qabyaaladi iyo maslaxadi ka maqnayn.

 

Arrinta labaad ee ah Dhaqaalaha, waxaan iyana meesha laga saari karin in uu jiro mashruuc dhaqaale sameyn ah. Haddii Shilinka la gubay uu maamulku dadka u bedelay, waxaa la tuhmi karaa qiimaha lacagta ka bedelay iyo lacagta laga bixiyey sanduuqa maamulka gobolka. Waxaan isleeyahay meeshaasi dad baa dhaqaale badan ka sameeyey. Haddii aanay wax la qarinayo jirin, maamulka Siilaanyo wuxuu sameyn karay dhowr arrimood. 1) In Shilin Soomaaliga la qaado oo gobollada uu ka shaqeeyo looga soo iibsado badeeco ama xoolo (2) In Shilinka lagu kabo miisaaniyadda gobollada weli laga isticmaalo Shilin Somaliga si looga faa’ideysto, (3) In ay Shilinka ku bedeshaan lacago adag oo ay Xawaaladaha ku wareejiyaan, iyo (4) In ay Shilinka siiyaan dadka ay abaaraha ba’ani aafeeyeen eek u dhaqan gobollada dalka. Intaaba lama sameyn, sidaa daraadeed waxaa jira mugdi sababta lacagta loo gubay.

 

Arrinta saddexaad ee ah Ilbaxnimo Xumi, iyana meesha kama maqna. Lacag sideebada waa hanti ay ummadi leedahay. Waa sheyga wax lagu kala bedesho. Waa astaanta ummadi leedahay. Haddii aanay ahayn mid been abuur ah (counterfeit money), in la gubaahi waxay noqoneysaa mid ilbaxnimada ka fog. Mid anshaxa iyo qiyamka ka fog. Mid xadaaradda ka soo horjeedda muujineysana in dadka falkaasi geystay aanay ahayn dad leh xadaarad iyo qiyamka suuban ee ummadi leedahay. Waa hamajnimo waxa nimaadka Siilaanyo ku kacay.

 

Waxaa xusuusin mudan in Gobollada Waqooyi ay weli ka mid yihiin Jamhuuriyada Soomaaliya ayna ka mid ahaan doonaan abid. Haddiise xitaa la kala tago oo ay gobolladaasi tagaan, miyaa la kala maarmayaa? Maya!!  Ma Shilin Soomaali ayey ka maarmi doonaa? Maya!! Sow dadka iyo ganacsigaba isuma socon doono? Haa!! Sow bangiyada labada dhinac ma bedeli doonaan lacagta kan kale? Haa!! Maxaa haddaba maandhow fadeexan iyo anshax xumidan kuugu wacan???

 

Riyadii gooni goosadka waa tan sii burbureysa. Sool waa gobol xor ah oo Soomaaliya ka mid ah. Sanaag waa gobol xor ah oo Soomaliya ka mid ah. Awdal waa gobol xor ah oo Soomaaliya ka mid ah. Haddii ay gobolladaasi ka bexeen, waxa haray waxay u ekaanayaan qoys duday oo u baahan in loo caqli celiyo. Xaqiiqduse waxay tahay in haddii xitaa qoyska loo oggolaado in ay gooni isu taagan, waxaan shaki ku jirin in aanay jirin karin wax ka badan 10 sano. Waayo???? Haddii aad dooneyso in aad ogaato booqo Burco, Hargeysa ama degmooyinka kale ee ay beelaha qoyska wada degaan. Soo qaado Burco!! Burco waxaa loo kala deggenyahay Habal Jeclo iyo Habar Yoonis. La isku qasna. Hargeysana waa la mid oo Garxajiska dhinac bay deggenyihiin, Habar Awashuna dhinac, Arabku dhinac. Xitaa Habar Awashu waa kala deggentahay. Garxajisku waa kala deggenyahay. Waxaa intaa dheer, basaska xitaa waa ay qaybsanyihiin oo qofku ma raaco bas aanu qoyskiisa lahayn (waa haddii aanu qof meel kale ka yimid ahayn). Haddaba qoys sidaa qaybsan oo ay muuqato in aanay wax mideeyaa jidhin marka laga reebo abtirsiiyo waa hore ahayd, sidee bay dowlad ku noqon karaan? Ma noqon karaan dowlad deggenaasho iyo horumar sameysa!! Waxa hadda isku haya waa colaadin Reer Koofureed iyo fogeyn la fogeeyey wada dhalashii ummadda ka dhexeysay. Waxaad moodeysaa in ay illoobayaan in Soomaalidu mid qora tahay. Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa laga hayaa ‘Wiilka Addis Ababa ku dhashay ayaa igaga dhow kan Xamar ku dhashay’!!! Sow taasi waalli ma aha!!!

 

Waxaase xusuusin mudan, Ingiriisku inta aanu dalka ka bixin in uu Reer Waqooyiga ku dirqiyey in ay Koofur ku biiraan, waayo qoraallada diblomaasiyiinta waxay sheegayaan in aanay dadka Reer Waqooyiga ah ismaamuli karin oo ay yihiin ummad ay aad u qaybisay Qabyaalad oo aan dhaqaale badanna abuuri karin. Ilaa haddana, diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Hargeysa tegay waxay ku qanacsanyihiin in aan Hargeysa ka jirin wax maamul dowladeed u eg oo ay meesha ka jidhaan musuqmaasuq iyo boob lagu hayo wixii hanti ah ee ka soo gala dekedda Berbera. Dowladda Ingiriiska waxay ku qanacsantahay in aanay Hargeysa maamul wanaagsan oo horumar sameey kara ka dhalan karin. Sidaa daraadeedna, aanan wax ictiraaf ah la soo wadin. Waxaa intaa sii dheer in khubaro badan oo ka kala tirsan Mareykanka iyo Yurub kula taliyeen dowladahooda in aan lagu degdegin ictiraaf la siiyo gobolkaasi. Waxa idaacadaha laga sheego iyo waxa xafiisyada looga sheekeysto waa ay kala duwanyihiin.

 

Gonaanad:

 

Falka ay Reer Burco iyo maamulka Siilaanyo kula kaceen astaanta Soomaaliya waa arrin meel ka dhac ah, anshax xumi ah, xadaaradana ka fog. Waxaan nimaadka Siilaanyo xusuusinayaa  in aan ummadda la sii kala fogeyn oo aan fidno iyo nacayb laga dhex abuurin. Dambiyadii uu geystay nimaadka Kacaanka ee uu Siilaanyo muddada dheer u shaqayn jiray kana goostay markii uu waayey jagadiisii Wasiirnimo ma aha in laga dhigo colaad u dhaxeysa Koofur iyo Waqooyi. Dadka Reer Koofureed iyo Dadka Reer Waqooyi waa walaalo wax colaad ah ama xumaan ah oo dhexmaray ma jiraan. Dagaal sokeeye oo Koofur iyo Waqooyi u dhaxeeyaa ma dhicin. Been abuurku iyo sun la faafiyo waxay khatar ku yihiin wada dhalashada ummadda Soomaaliyeed.

 

Haddii aad dooneysaan in aad ogaataan sababta Nimaadkii Askarka uu Hargeysa diyaaradaha ugu garaacay, eega waxa ka dhacaya Liibiya, Suuriya, Yaman, iyo Masar. Qadaafi ficilkiisa ma aha in Gobollada Liibiyada ee Galbeed iyo kuwa Bariga ay dagaalamayaan ama ay colaadi dhextaallo. Waxa Nidaamka Askarta geysteen ma aha in ay Reer Koofureed dhibaato u geysteen Reer Waqooyi. Fadlan joojiya fidnada aad ummadda ka dhex abuureysaan. Fadlan joojiya xumaanta aad caruurtiina ku beereysaan iyo Qabyaaladda oo aan ka baqayo in ay marka dambe idin burburin doonto.

 

Ugu dambeyntii waxaan farriin u dirayaa maamulka Puntland oo aan leeyahay ha joojinina mucaamaladii wanaagsanayd ee aad kula dhaqmi jirteen walaalaha Reer Togdheer. U oggolaada in xoolahooda iyo badeecadooda ay sidii caadiga ahay uga dhoofaan ugana soo degaan Dekedda Boosaaso. Gobannimadu waa qadarinta walaalkaa ee ma aha in aad sharaftiisa iyo xurmadiisa iyo astaantiisa aad ku xadgudubto.


Ismaaciil Baaruud
E-mail: [email protected]



 





Click here