4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Kenya ma ku guulaysan doontaa hawlgalkeeda Soomaaliya, xageese ku dambaysay diidmadii Shiekh Shariif

Axmed Cabdisamad
Friday, November 04, 2011

Faragalinya ay Kenya ku samaysay Soomaaliya, waa mid ay Soomaalidu ku kala qaybsameen fikir ahaan, iyadoo ay qaar  taageersanyihiin in wax walba oo Shabaab looga saarayo  dalka ay dan u tahay shacabka Soomaaliyeed, halka kuwa kalana aaminsanyihiin in Kenya ay ku xad-gudubtay madaxbanaanida Soomaaliya.

Dadka dhaliilsan galitaanka Kenya waxay ku doodayaan in loo baahnaa Kenya inay ogolaansho waydiisato Soomaaliya, ka hor inta aanay ciidamadeeda u dirin dalka, taasoo aan dhicin, maadaama ay Kenya wasiiradeeda arrimaha dibada iyo gaashaandhiga Moses Wetangula iyo Yuusuf Xaaji  ay  tageen Soomaaliya maalin kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen waddanka, iyagoo raadinayay ogolaanshaha xukuumadda KMG ah.

Waxaa kale oo ay ku xoojinayaan mawqifkooda in goobtii lagu saxiixay heshiiska ogolaanayay galitaanka ciidamada Kenya , oo ay saxiixdeen labada Ra’iisulwasaare Waa C/wali Maxamed Cali iyo Raila Odinga 31-October inuu ahaa mid Kenya ay ku jabisay  anshaxa diblamaasiyadeed ee u dhexeeya wadamada caalamka , kadib markii goobta la suray oo kaliya calanka Kenya, halka calanka Soomaaliya uu goobta ka maqnaa, taasoo ay ku micneeyeen inay tusaale u tahay  in Kenya aysan ixtiraamayn qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dadka sida wayn u taageersan faragalinta Kenya ayaa markaad waraysatid kuu sheegaya in galitaanka ciidamada Kenya uu yahay mid ku yimid daandaansi farabadan oo ay xarakada Alshabaab  ku waday Kenya muddo dheer, gaar ahaana magaalooyinka xuduudka ku yaalla oo ay hawlgallo ka fulinayeen sanadihii ugu dambeeyay iyo afduubyadii dhacay bilihii lasoo dhaafay ee lagu bartilmaameedsaday dalxiisayaasha.

Waxay kaloo kuu sheegayaan in xarakada Alshabaab ay dhibaato badan ku hayso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana da’yarta wax baranaysa oo noqday bartilmaameedka qaraxyda ismiidaaminta ah, taasoo ku keenaysa Soomaalida inay taageeraan cid walba oo Shabaab ka qabanaysa dalka.

Marka laga soo gubdo kala qaybsanaanta Soomaalida iyo fikirada la kala aaminsanyahay, Kenya waxay u muuqataa inay xaqiijisay sharciyaynta galitaanka ciidamadeeda, oo si rasmi ah ay u ogolaatay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Midowga Afrika,iyo IGAD .

Qaramada Midoobay iyo Maraykanku arrintan masoo hadal qaadin, balse aamuska ayaa farriinta uu dirayo waxa ay tahay  “Geediga wadaay”  amaba taageero aan lala soo gole fariisan.

Diidmadii Madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu markii hore noqday caqabada kaliya ee Kenya ay ka carootay ayaa haatan u muuqda inuu candhuuftiisa dib u liqay, kadib markii u cadaadis culus kasoo fuulay wadamada gobolka, gaar ahaana Uganda oo si toos ah uu madaxweyne Museveni ugu yeeray Kampala,lagana codsaday in uu ka noqdo mawqifkiisa.

Inkastoo uusan madaxweynuhu saxaafadda la hadlin tan iyo markii uu Ra’iisulwasaarihiisu saxiixay heshiiskii dhamaadka October , ayaa haddana Ra’iisalwasaare Gaas uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay arrinkan isku waafaqeen.

Aamusnaanta madaxweynuhu waxay tilmaamaysaa inaanu ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan, balse ay arrintu taagantahay meel aan la is dhagaysanayn ee uu soconayo oo kaliya hadalka ninkii leh qaran cagihiisa ku taagan.

Ma ku guulaysan doontaa Kenya hawlgalkeeda?

Ciidamada Kenya ma wajahayaan ciidan nidaamsan oo leh meel loogu hagaago, balse waxaa hor fadhiya maleeshiyaad aan lahayn xeryo military oo ku socda nidaamka loo yaqaano “Hit and Run”  ama “ku dhufo oo ka dhaqaaq”,  taasoo Kenya ay ku adkaanayso inay durbadiiba ka sifayso Shabaabka meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.

Kenya hadda waxaa ay Soomaaliya ku joogtaa si sharci ah, marka la fiiriyo heshiiska u yaalla beesha caalamka oo dhigaya in dawladi ay dawlad kale kaalmo waydiisan karto, hadii ay xakamayn waydo dalkeeda, balse arrinta sida aadka ah la isu waydiinayo waxay tahay, Kenya maxay ka keeni doontaa meel ay ku fashilmeen ciidamadii Qaramada Midoobay (UNISOM) , Ciidamada Maraykanka iyo Itoobiya oo lagu tilmaamo libaaxa Afrika?  Su’aashaas jawaabteeda waxaynu helaynaa muqtaqbalka dhow, ninkii nololi gaarsiiso.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya


 





Click here