4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Halaaga ka dhacay Soomaaliya oo ay dhalintii mustaqbalku ku hoobteen (FAALLO)

by Axmed Cabdisamad Cilmi
Tuesday, October 04, 2011

Soomaaliya oo ah waddan soo maray dhibaatooyin lixaad leh oo ay ugu horreysay qaran jabkii dhacay  1991-kii oo keenay in ummada Soomaaliyeed ay ku kala firdhadaan caalamka ayaa haatan maraysa marxaladii ugu adkayd ee taariikhda dalka  ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

In kastoo ay musiibooyinka waddanka uu soo maray ay ahaayeen kuwo qalbi fuq  ku riday muwaadiniin badan oo qaarkood ay waasheen  markay arkeen meesha ay xaaladda ka daganayso ayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay  ay  ka fajiciyeen ummada ku hadasha afka Soomaaliga iyo caalamka oo dhan.

Waxa aadka looga naxo ee haatan soo kordhay ayaa ah bartilmaameedsiga lagu hayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga dhigay wax la gawraco oo maydkooda lasoo dhigo waddooyinka Muqdisho iyo kuwo qaraxyo lagu kala firdhiyo hilbahooda, iyagoo u hanqal taagaya inay wax u soo bartaan naftooda iyo dalkooda.

Arxan darro aan illoobi doonin

La yaabka iyo qalbi fuqu maahan oo kaliya dilka loo gaysanayo ardaydan ee waxa laga sii naxayo waa xaaladda adag ee ay wax ku soo bareen waalidiinta dhalay ardaydan lagu bartilmaameedsaday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhimashada iyo dhaawaca ugu badani soo gaaray arday u taagnayd goobtaasi oo sugaysay inay ka dhex raadiyaan  magacyadooda liiska ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee dalka Turkiga.

Qaraxa maantay wuxuu kaloo na xasuusinayaa midkii isaga la midka ah ee lagu bartilmaameedsaday ardaydii qalin jabinaysay ee hotel Shaamow  3 December 2009, iyadoo halkaas dadkii ku qur baxay ay u badnaayeen arday Soomaaliyeed oo ahayd ubaxa dalka, aysana jirin cid ka jawaabi karta sababta loo bartilmaameedsaday.

Waxaa iyaduna in la xusuusto mudan markii bishii aynu soo dhaafnay lagu arkay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho dhalinyaro Soomaaliyeed oo la gawracay, kadibna maydkooda lagu soo tuuray wadada.

Bartilmaameedsiga ubaxa wadanka oo ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan la garan Karin sababta loo ugaarsanayo waa  arxan darro aan la illoobi doonin, waxaana ay ku tusaysaa in Soomaaliya ay gaartay marxaladii ugu adkayd ee ay soo marto tan iyo markii ay ku abuurmeen geeska Afrika dadka ku hadla Af-soomaaligu.

Saamaynta

Inkastoo Soomaalida ay ka dhex jirtay kala qaybsanaan xoog leh 20-kii sano ee dagaalka sokeeye ayaa haddana shacabka Soomaaliyeed ay midnimadooda soo noqotaa xilliyada ay lasoo gudboonaadaan dhibaatooyinka adag . tusaale haddaynu soo qaadano abaarta ka dhacday dalka waxay soo celisay midnimadii Soomaalida ee la waayay 20-ka sano, iyadoo dadka macluushu halakaysay ee ku nool gobollada koonfureed ay gurmad ka heleen walaalahooda ku nool Somaliland,Puntland iyo dibaddaba, taasoo ku tusaysa in wali uusan dhiman damiirkii Soomaalinimada ee umaddu ay ku midoobi jirtay xilliyada adag.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay, falalka la oran karo waa musiibo qaran ee lagu bartilmaameedsanayo ubaxa qaranka, ma midayn doonaan Soomaalida?

Su’aashaas jawaabteeda waxaan u daynayaa akhristayaasha Hiiraan Online


Axmed Cabdisamad waa wariyaha Hiiraan Online u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaadna kala xiriiri kartaa [email protected]



 





Click here