Wararku waxay sheegayaan in iyaga iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Maxamed Qanyare Afrax ay suurtagal tahay in ay u soo amba baxaan dhinaca Magaalada Muqdisho, kadib kolkii uu dhawaantan Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Golaha Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin haddii hoggaamiyayaashii Muqdisho ka cararay ay dib u soo laabanayaan, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in laga doonayo in ay qalabka Warbaahinta ka caddeeyaan in ay ka laabteen qaladkii ay galeen.
Warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in ay jiraan dowlado culeys ku saaray Golaha Maxaakiimta in ay aqbalaan dib u soo laabashada qabqablayaashii looga adkaaday Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa mowqifkooda uu ka soo horjeedo Dowladda Itoobiya.
By: Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia