Xukunka Maxkamaddu fulisay oo ah Tacsiir lagu fuliyay ilaa 10 dhalinyaro ah oo in muddo ah lagu hayay xabsiga dhexe ee Magaalada ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadkii isugu yimid goobta lagu fuliyay Xukunka oo dhanka kale si weyn ugu farxay gubista Maandooriyaha Xashiishka oo inta la xasuusto ah markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo gubo.
Qaar ka mid mas'uuliyiinta maxkamadda oo u waramayay HOL ayaa sheegay in ay jiraan sidoo kale dambiilayaal la filayo in maalmaha soo socda lagu fuliyo xukun kala duwan, waxaana ay intaas ku dareen in xukunkan ay fuliyeen iyo kuwa la filayo in maalmaha soo socda la fuliyaba ay fududeynayaan buux dhaafa ka jira gudaha xabsiga.
Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in Mas'uuliyiinta maxkamaddu ay ka dhawaajiyeen in ay jiraan sharciyo gaar ah oo ay ugu talagaleen bisha Barakeysan ee Ramadaan si loola socda dadka caadeystay in ay ku xad-gudbaan waajibaadka looga baahan yahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia