Isniin, November 27, 2006(HOL): Kulan ay Muslimiinta
Hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dalka
Culumaa’udiinka eedeynta u jeediyay Dowladda Kenya oo ay ka mid ahaayeen Al-Xaaji Yuusuf Murigo iyo Shiikh Maxamed Dor ayaa waxay war-murtiyeedkooda ku sheegeen in ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Itoobiyaanka ay joogaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanada Moyale, Isiolo, Wajir iyo Garissa, waxayna tilmaameen in ujeedada halkaasi loo geeyay ay tahay in weerar ku qaadaan dalka Soomaaliya oo haatan nabadgelyo ka jirto, iyagoo sidoo kalena wel wel ka muujiyay in haddii dagaal ka dhaco dalka Soomaaliya uu saameynayo dalka Kenya.
“Ma jiraan Ciidamo shisheeye ah oo dalkan jooga, horayna uma jirin xitaa xiligii ay colaadda u dhaxeysay Dalalka Soomaaliya iyo
Wasiir ku xigeenka wuxuu intaas ku daray in Dhulka
Mar uu ka hadlayay Wasiirka ku xigeenka xiriirka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka wuxuu sheegay in uu wanaagsan yahay, isla markaana taasi ay caddeyneyso in ay maxkamadaha ogolaadeen in ay Kenya wax ka shir guddoomiso Shirka lagu dhex dhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka/
Mr. Cyrus Gituai oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan la kala safaneynin Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi bedelkeedna wuxuu sheegay in ay fududeynayaan wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo sida uu hadalka u dhigay dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay Kenya Arrimaha Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay madax ka noqotay geedi socodka nabad-raadinta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia