Arbaco, October 04, 2006(HOL): Xaflad Afur iyo Casho isugu jirtay oo uu soo qaban qaabiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa xalay lagu qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Xiriirka Kubadda Cagta, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socday Saxaafadda iyo marti sharaf kale.
Markii afurkii, cashadii iyo nashaadaadkii kale ay dhamaadeen ayaa waxaa bilowday khubado ay jeediyeen mas’uuliyiintii Shirka ka qeybgalay, waxaana mas’uuliyiintii hadashay ka mid ahaa kuwii ka socday Xiriirka Kubadda, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo dhamaantood isaga mid ahaa sida loogu baahan yahay in xiriir wada shaqeyneyd oo wanaagsan ay yeeshaan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Bahda Saxaafadda.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xiriirka Kubadda Cagta Salaad Macallin Maxamed (Salaad Gaab) ayaa ugu horeyn saxaafadda ku dhaliilay in ay mararka qaarkood buun buuniyaan warar aan jirin oo looga sheego Xiriirkooda iyagoo sida uu yiri wararka ka qaadanaya dad aan mas’uuliyiin ahayn amaba ciyaartoy gadoodsan ah.
Salaad Gaab waxaa uu sheegay in aysan marnaba ka soo horjeedin in dhaliilahooda la sheego balse wax ay doonayaan ay tahay in runta laga sheego, isagoo dhanka kalena codsi u soo jeediyay saxaafadda kaasi oo ahaa in ay xiriirka oo ah mid cusub ay ku garab galaan sidii uu cagahiisa ugu istaagi lahaa.
Laakin Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ku hadlay magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa difaacay saxaafadda, wuxuuna sheegay in aysan Bahda Saxaafadda eed mudneyn, kaliya waxa ay sheegaana ay tahay qaladaad la galay, sidaas darteedna loo baahan yahay in wixii la qaldo la saxo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Kubadda Saciid Maxamuud Nuur (Mugaambe) ayaa isaguna jeediyay hadal aad u qaboobaa oo uu saxaafadda uga dalbanayay in ay la shaqeeyaan, kadib marka uu xiriirka xoogeystana ay ula yimaadaan xisaabtan iyo in wax laga weydiiyo wixii ay qaldeen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo ku xigeenkiisa Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali) ayaa iyaguna hadalkooda ku biiriyay midkii ay jeediyeen mas’uuliyiintii Xiriirka, waxayna labadan mas’uul ee gobolka ka socotay ay iyana saxaafadda ka codsadeen in dhulka laga qaado Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia