
Jimco, June 22, 2012 (HOL) - Saxiixayaasha Roadmapka oo kala ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa shir ugu dhammaaday magaalada Nairobi.
Shirkan oo loogu talagalay markiisii hore inuu laba bari ku soo gabagaboobo ayaa saxiixayaasha Roadmapka maanta ugu dhammaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay qodobadan hoos ku xusan iyadoo madaxda Soomaalidu ay ku tilmaameen heshiiskii maanta mid taariikhi ah, oo horseedi doona marxad cusub oo ay Soomaaliya gasho.
1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:
a) Saxiixayaasha Khariidadda Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay May 21-23, 2012, waxay isku raaceen saxiixeenna qodobada soo socda:
1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka.
2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee).
3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly).
4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament).
Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoollada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedi-socodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.
2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.
Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalintaasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.
3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)
Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.
4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah
Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:
a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)
b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)
c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)
d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)
Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.
5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelanyihiin inay
ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii
Addis Ababa, waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro
Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo
waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.












Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya