4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/ramxaan Xoosh Jabriil
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/ramxaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xubnaha guddiga qoraalka dastuurka uu waqtigoodu dhamaaday ayna faraha kala baxaan arrimaha dastuurka.

C/raxmaan Xoosh ayaa sheegay in nuqulka dastuurka ee guddiga ay ka hadleen uu yahay mid sax ah, inkastoo wax laga bedelay qodobbada qaar, sida shuruucda lagu hagayo xisbiyada iyo doorashooyinka.

"Hadalka ay guddigan u sheegayaan shacabka waa mid aanay waxba ka jirin, waxay doonayaan in sannado kale la fadhiyo oo lacago kale oo cusub lasoo shubo taasna ma soconayso," ayuu yiri wasiirka oo u warramayay VOA-da isagoo sheegay inay u gudbin doonaan dastuurkan odayaasha dhaqanka iyo guddiga ansixinta dastuurka.

Mar la weydiiyay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin dastuurka ay iyagu hayaan iyo midka ay hayaan guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax ay ku kala duwan yihiin, balse lagu daray oo keliya soo jeedinta saxiixayaasha Roadmap-ka.

Wasiirka dastuurku wuxuu hadalkiisa ku daray in guddiga ay dhowr jeer qanciyeen ayna shalay isku ogaayeen in la gudbiyo dastuurkan, balse ay xalay isbedeleen, isagoo taas ku tilmaamay isbaaro aan socon karin.

Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka C/llaahi Xasan Jaamac ayaa sheegay in dastuurka ay madaxda DKMG ah u soo gudbiyeen uu yahay mid ay qodobbo badan ka qaldan yihiin, ayna go'aansadeen in midka ay hayaan ay u gudbiyeen odayaasha dhaqanka iyo culummada.

Khilaafka ku saabsan dastuurka ayaa wuxuu u muuqdaa mid cirka isku sii shareeraya iyadoo aan la ogeyn go'aanka kama dambeysta ah ee madaxda DKMG ah ay ka qaadanayaan murankan cusub ee dastuurka ku saabsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya