Axad, November 11, 2012 (HOL) — Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada
maamulka gobolka Hiiraan ayeey sheegeen saraakiisha maamulka gobollka
in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhawaan magaalada ku dillay
taliyihii ciidamada maamulka gobollka Muumin Maxamed Maxamuud.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Axmed
Cismaan Cabdalla Inji oo HOL la hadllay ayaa sheegay in howlgal ay
sameeyeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan lagu soo qabtay askariga
dillay taliyaha.
"Maalmihii ugu danbeeyayba ciidamadu waxaa ay ku howlanaayeen sidii loo
soo qaban lahaa askariga gacan ku dhiiglaha ah, ciidamo gaar ah ayaa
arintaa loo xil saaray, ugu danbeytiina waa lagu guuleystay in la soo
qabto,’’ ayuu yiri Axmed Inji.
Dhawaan ayeey aheyd markii taliyihiin ciidamada maamulka gobollka
Hiiraan Muumin Max’ed Max’uud uu ku toogtay bartamaha magaalada askari
ka tirsanaa ciidamada maamulka, xili uu taliyuhu ku guda jiray howlgal
ay ku bur burinayay jigooyo.
Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka
gobolka Axmed Inji waxaa uu sheegay in la soo qabtay afar ruux oo lagu
eedeynayo in ay dil arxan darro ah u geysteen marxuum u yimid magaalada
in uu dacweeyo nin alaab kala soo goostay.
"Cid loo cafin doono danbiga ay gashay malaha, dhamaan gacan ku
dhiigalayaasha sharciga ayaa la horkeenayaa, danbiga ay galeen ayaana
lagu qaadayaa,’’ ayuu Axmed Inji hadalkiisa raaciyay.
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baladweyne ka jiray howlgal ay
wada jir u fulinayeen ciidamada maamulka gobollka, kuwa Itoobiya, iyo
ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa qeybta ka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la qabtay Askarigii dhawaan ku dilay Baladweyne Taliyihii Ciidamada Maamulka
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey Gobollada Saaxil iyo Togdheer
- Bangiga Horumarina Afrika oo laga yaabo in uu Maalgaliyo wado Isku xirta dalalka Kenya iyo Soomaaliya
- Cabsida laga qabo in Ammaanka Soomaaliya uu faraha ka baxo haddii ay Uganda ciidamadeeda la baxdo oo soo kordhaya
- Israsaaseyn khasaare geystay oo askar kawada tirsan Ciidamada Dowladda Somalia ku dhexmartay Magaalada Muqdisho
- Guddigii Farsamada ee ka socday shirka Magaalada Nairobi iyo Saraakiil IGAD ah oo Gaaray Magaalada Kismaayo
- Ciidamada dalka Yemen oo toogasho ku dilay kuna dhaawacay Qoxooti Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Laxaj ee dalka Yemen
- RA'IISUL WASAARE SAACID: "Xukuumadeydu waxay Xoogga saaraysaa dib u Xoreynta dalka iyo Sugidda Ammaanka"
- Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo