Kulan dhax-maray Madaxweynaha iyo odayaasha Gobolka Hiiraan oo is Af-garad ku Dhammaaday


Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Kaddib shirar is-daba-joog ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Beledweyne uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ugu dambeyntii leysku afgartay in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ka furmo maaalada Jowhar.

Kulamada oo intooda badan ahaa kuwo adag oo leysku weydaarsaday aragtiyo kala duwan ayaa kii ugu dambeeyay oo duhurnimadii maanta ku dhaxmaray madaxweynaha iyo wax-garadka magaalada Baladweyne waxaa lagu guuleystay in la isku waafaqo Wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia ee aheyd shirka dhismaha maamulka labada gobol lagu qabto magaalada Jowhar.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku af-garteen in la dadajiyo dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhinaciisa la hadlay Warbaahinta ayaa kula dar-daarmay bulshada ku nool gobolka Hiiraan inay ka shaqeeyaan siduu hadalka u dhigay midnimada iyo wadajirka, lana wadda ilaaliyo ammniga guud ee magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayay ayaa galabta ka anbabaxay magaalada Beledweyne, iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Urur Goboleedka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD iyo Xafiiska QM u qaabilsan isku-duwida Arrimaha Bani'aadanimada ee magaceeda loosoo gaabiyo OCHA, ayaa maanta ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan ay oga Warbixiyeen saameynta is-bedelka cimilada ee loo yaqaano El Nino iyo dhibaatooyinka ay u geystay dalalka ku yaallo geeska Afrika.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta safar ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, isagoo tababar ugu soo xiray ciidammo ka tirsan booliiska maamulkiisa.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Qoys Muslim ah oo u dhashay dalka Britain ayaa loo diiday inay u safraan gobolka California ee dalka Mareyknaka, taasoo ka careysiisay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Britain.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa hay’adda cuntada adduunka ee WFP ku eedeeyay in ay dhibaato ku tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya, waxaana sida la sheegay ay hay’adu raashin dhacay ka qaybisay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Maxamed Aaden Axmed oo ay wehlinayeen taliyeyaasha ciidamada cirka iyo badda, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay abaandulaha guud ee ciidamada Talyaaniga, Jen. Claudio Graziano oo booqasho maalin ah ku yimid Muqdisho.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Taliyaha Booliiska AMISOM, Anand Pillay oo ay wehlinayeen taliye ku xigeenkiisa, Christine Alalo oo hoggaaminayay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan booliis ayaa booqasho ku tagay Kismaayo 21-kii bishaan December.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka FS ee kasoo jeeda gobolka Shabeellada dhexe ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne uga socday odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo inta badan looga wadda hadlayay qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia aysan haatan ahayn waddan guul-darreystay, ayna soo kabanayso, kaddib sannado uu colaado kusoo jiray.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Ruushka inay geysteen xad-gudubyo aadanaha dhan ka ah, iyadoo hay’addu ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymihii uu Ruushku ka geystay Suuriya lagu dilay 200-qof oo shacab ah.

Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa xallay xilli dambe soo saaray isku shaandheyn iyo magacaabid masuuliyiin cusub, taas oo qaarna xilkii ka qaaday qaarna isku bedelay.

Somali News

12/23/2015 3:25 PM EST
BELEDWEYNE (HOL) – Elders in the central Somali region of Hiiraan region agreed Tuesday to attend the planned inter-regional Hiiraan and Shabelle regions state formation conference which is to be held in Jowhar, the regional capital of Lower Shabelle region, sources said.

12/23/2015 3:02 PM EST
MOGADISHU (HOL) – A Somali official accused the United Nations’ World Food Programme of handing out expired food to poor residents in the agricultural town of Afgoye in a bid to prevent farmers from selling their own products at a fair price.

12/23/2015 11:47 AM EST
The United Nations says more than 18 million people across eastern Africa are at risk of food insecurity due to El Niño weather patterns and conflicts in the region.

12/23/2015 8:18 AM EST
Burundi has rejected a 5,000 member peacekeeping mission the African Union said last week it would send to the country amid fears it is sliding back towards civil war.

12/23/2015 8:11 AM EST
The Somali government has banned the celebration of Christmas, claiming that Christian festivals threaten the country’s Islamic heritage.

12/23/2015 8:07 AM EST
Abdishakur Ahmed spends most days disconnected from German society, hanging out in a small room he shares with two other Somali refugees. But, in his state-provided dormitory in a rural German town, Ahmed dreams of building a better life.

12/23/2015 7:56 AM EST
Ugandan soldiers under the African Union Mission in Somalia have not been paid for seven months, Gen Jeje Odongo, the minister of State for Defense has said.

12/23/2015 7:50 AM EST
At least 100 people have died since October following El Niño rains in Kenya.

12/23/2015 7:46 AM EST
Why can't the Arab states do as the Africans do when it comes to policing their own troubles? Both regions are post-colonial; both are relatively poor, although the Middle East has the Gulf, and some of the largest militaries in the world.

12/23/2015 3:06 AM EST
HOL Job Posting, Expression of Interest & Call for Proposals : December 23, 2015

12/23/2015 2:05 AM EST
The Kenyan government received a donation on Tuesday of 5,800 tents from China in a bid to improve the living conditions of Somali refugees in the country.

12/23/2015 2:03 AM EST
Somali Football Federation [SFF] has todayannounced the fixtures for the country’s National League.

12/23/2015 1:57 AM EST
In 2015, terror attacks have continued unabated in sub-Saharan Africa despite limited progress achieved by African countries such as Kenya, Nigeria and Somalia.

12/23/2015 1:51 AM EST
When the Somali militant group Al Shabab attacked a bus in Kenya’s remote northeast on Monday morning, they appeared to have a clear plan: Stop the bus. Separate the Christians on board. Kill them. Scare other Christians in the region enough to flee. Leave the local Muslims feeling abandoned by their countrymen.

12/23/2015 1:44 AM EST
Cameroon: 2.9 million people are in need of humanitarian assistance. 2.4 million are in need of protection assistance, predominantly in the Far North Region.

12/23/2015 1:06 AM EST
A suspected U.S. drone strike overnight Monday is reported to have hit Islamic extremist group al-Shabab positions in southern Somalia.

12/23/2015 1:03 AM EST
DJIBOUTI, Djibouti - The Minister of Foreign Affairs of the Republic of Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf said today that claims 19 civilians were killed at Balbala during a religious gathering yesterday have been exaggerated.

12/23/2015 12:33 AM EST
MOGADISHU (HOL) – Somalia’s government has banned celebration of Christmas in the country, warning that holding the Christian festivities would threaten the country’s Muslim faith.

12/23/2015 12:23 AM EST
The Kenyan government received a donation on Tuesday of 5,800 tents from China in a bid to improve the living conditions of Somali refugees in the country.
Click here