Ciidanka xerada 54-aad ee Garoowe oo sameeyay Gadood ay kaga Cabanayeen Mushaar la’aan


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Ciidamada Xerada 54-aad ee Garoowe ayaa Maanta sameeyay Gadood, kaddib markii sheegeen in Mushaaraadkoodii aysan ka helin Maamulka Puntland muddo Siddeed bilood ah.

Gadoodka Ciidamadaan ayaa yimid kaddib markii uu Bur-buray kulan dhex-maray Saakay Saraakiisha Xerada 54-aad iyo Maamulka Lacagta ciidamada Puntland; iyadoo saraakiishu ay sheegeen inaysan gacan ku hayn Mushaarkii ay ka Dalbadeen Maamulka Puntland.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa rasaasta kala duwan cirka u ridayay intii uu socday gadoodka ay sameeyeen Saakay; iyadoo sidoo kale Wararku ay intaas ku darayaa in xerada ay xireen ciidamadan gadoodka sameeyay.

Askarta gadoodka sameeyay maanta ee ku xareysan xerada 54-aad oo duleedka Garoowe ku taalla ayaa waxaa intooda badan lagu soo tababaray waddanka Itoobiya, iyagoo sheegay inaysan Mushaar helin tan iyo markii Xeradan lagu Xareeyay.

Gadoodka Ciidamadaan ayaa imaanaya Maalmo kaddib markii Ciidammo ka Tirsan kuwa Birmadka Puntland ee ka Howlgala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwaasoo intii uu Xilka hayay Madaxweyne C/weli Gaas Dhibbada loo Taagay ay xireen Bar-kontrool oo ku taalla Boosaaso.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde oo Warbaahintu ay wax ka weydiiyeen Gadoodka ciidamadu sameeyeen ayaa beeniyay inaysan jirin mushaaraad ka maqan ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Ciidankan ayaa Gadoodkoodu kusoo beegmayaa xili Ganacsatada Puntland ay ka Cawdeen lacago Cusub oo Shillin Soomaali ah oo Suuqyada Puntland lasoo galiyay; taasoo Maamulka Puntland uu beeniyay.

Gadoodkan ayaa wuxuu sidoo kale imaanayaa xilli Madaxweynaha Puntland uu ka maqan yahay Garoowe, isagoo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Somalia ee Kismaayo uga Qayb-galay shalay Xafladdii Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, garoodka ciidamadan ay saaka ka sameeyeen Xarunta Puntland ee Garoowe ayaa kusoo beegmaya Xilli bilhii lasoo dhaafay Sidaan oo kale ay u sameeyeen Gadoodyo Askar ka tirsan Puntland oo ka cabanaya Mushaar la’aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Axad, September 13, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa billowday Hawlgallo ay kaga Sifeynayso Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ku Taalla Xeebta Kenya, Halkaasoo ay Sheegeen Saraakiisha Kenya inay ku Dhuumaaleysanayaan Xoogag ka Tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Weerarro ka geysta Deegaano dalkaas ka tirsan.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Xaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta deganayd kaddib markii shalay gacan ka hadal uu dhex-maray Guddoomiyaha Golaha & Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta Degmada Hawlwadaag ee Muqdisho laga furay Xarunta Jir-dhiska iyo Jimicsiga ee NORAIN (Norain Gym and Physiotherapy Center), iyadoo Xaruntan ay fureen Dhakhaatiir Soomaali ah oo Qurbaha ka soo laabtay.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Ciidanka Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dib u dhisayaan garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, si loo Fududeeyo in Gar-gaarrada Bani’aadamnimo iyo Ganacsiga ay Degmadaas gaaraan, iyadoo Magaalada ay tan iyo Sannadkii Hore Go’doomin ku haysay Al-shabaab.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar C/rashiid ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in 20-ka bishan September, 2015-ka ay magaalada Muqdisho ka billaaban doonaan kulamada Wadatashiga hanaanka doorashada iyo Aayaha siysaasadeed dalka ee Sannadka 2016-ka.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Iyadoo shalay ay magaalada Kismaayo soo gaareen Wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul-goboleedyada dalka iyo Wufuud kale oo ka socotay Beesha Caalamka, isla markaana lagu Waday inuu maanta ka furmo Kismaayo Shirkii Wada-tashiga Madaxda dalka ayaa waxa la shaaciyay in shirkaas uu dib-u-dhac ku yimid.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay xukun ku ridday Haweenay ku eedeysnayd inay abuurtay Qal-qalgelin Diinta Islaamka ah, isla markaana fikrado khaldan ka dhadhicinaysay haweenka degan xaafadda Guryo samo ee degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Waxaa Shalay oo Sabti ahayd Xarigga laga Jaray Waddooyinkii Magaalada Minneapolis loo bixiyay Magacyada Somali St. Oromo St iyo Taleex Ave. waxaana kasoo Qayb-galay Xafladda Furitaanka Waddooyinkaan boqollaal dadweyne ah, kuwaasoo u badnaa Dumar, Caruur iyo dhalinyaro deggen xaafadda ay ku yaallaan Waddooyinkan.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Waxaa shalay ka dhacday Xaflad ballaaran oo lagu Caleemo-saarayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa Shahaado Sharafyo mahad-celin ah guddoonsiiyey dhakhaatiirta kala ah; Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo Prof. Cismaan Maxamuud [Dufle], kaddib munaasabad arrintaas la xiriirta oo lagu qabtay Muqdisho.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Qayb-galay Munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Jubba oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa jeediyay khdubad dhinacyo badan taabanaysa.

Axad, September 13, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhinacyada isku haya Mooshinnada iska horjeeda ee Baarlamaanka la keenay ay isugu yimaadaan Miiska Wada-hadalka.

Somali News

9/13/2015 6:51 PM EST
Daahfurka Wadooyinka MPLS - Seddex waddooyin oo kale ah: Somali Ave, Oromo Ave iyo Teleex Ave

9/13/2015 3:47 PM EST
Saudi Arabia’s King Salman has vowed to find out what caused a crane collapse that killed 107 people at Mecca’s Grand Mosque ahead of the annual hajj pilgrimage.

9/13/2015 3:32 PM EST
MINNEAPOLIS — With ticket in hand and friends at his side, Abdirizak Ali went to the Minneapolis airport in 2012, eager to make a once-in-a-lifetime pilgrimage to Mecca. Instead, he was turned away at the ticket counter, escorted outside by security and — without explanation — told he couldn't fly.

9/13/2015 10:52 AM EST
MOGADISHU – Somali-Canadian rapper K'naan Warsame has posted photos on social media while performing hajj in Saudi Arabia with his family, in an action that was praised by his fans.

9/13/2015 10:44 AM EST
From nomadic huts to art deco houses and Omani, Egyptian and Ottoman architecture, there is much in Somalia’s heritage to celebrate. I first learned to construct nomadic huts with my grandmother in the summer holidays – spent, whether I liked or not, living in Dayniile, near Mogadishu. Being a Mogadishu girl, living in a comfortable villa, I hated it at first so my father sent, as a surprise, a tiny battery-run TV, which transformed our evenings at the nomadic camp.

9/13/2015 10:01 AM EST
MOMBASA: The Northern parts of Lamu and southern Garissa County is now a security one and a multiagency security team operation to flush out Al Shabaab remnants believed to be hiding in the expansive Boni forest.

9/13/2015 6:37 AM EST
Rallies engulfed Europe on Saturday in response to the escalating refugee crisis. Tens of thousands of people filled central London to protest the British government's position on the migrants' plight. Human rights activists, politicians and performers marched to Parliament Square in solidarity with the refugees, who are trying to escape armed conflicts, especially in the Middle East.

9/13/2015 6:31 AM EST
South Sudan’s president, Salva Kiir, will address the nation on Tuesday about the need to ensure a successful implementation of the cease-fire agreement aimed at restoring peace and stability to the world’s youngest nation, according to Ateny Wek Ateny, spokesman for President Kiir.

9/13/2015 6:15 AM EST
“We can’t teach. We won’t teach.”That was the candid response by teachers to President Uhuru Kenyatta’s Friday statement that there is no money to pay them.

9/13/2015 3:56 AM EST
There was a time, in living memory, when refugees clamoured to board trains to get out of Germany. Today they yearn to board trains going in. “We want to go to Germany because we will get our rights, we are welcome there,” one refugee told the Guardian’s John Domokos, as he walked alongside a group making the journey on foot through Hungary, en route to what they saw as the ultimate place of sanctuary: the promised Deutschland.

9/13/2015 2:32 AM EST
With ticket in hand and friends at his side, Abdirizak Ali went to the Minneapolis airport in 2012, eager to make a once-in-a-lifetime pilgrimage to Mecca. Instead, he was turned away at the ticket counter, escorted outside by security and — without explanation — told he couldn't fly.

9/13/2015 1:55 AM EST
Anthony Martial scored a memorable debut goal as Manchester United beat old enemies Liverpool 3-1 at Old Trafford on Saturday to claim second place in the Premier League table.

9/13/2015 1:50 AM EST
Washington (AFP) - Boys with a low resting heart rate in their late teens run a higher risk of turning to a life of violent crime when grown, a study suggests.

9/13/2015 1:13 AM EST
OF the millions of young men and women settling into college dorms this month, one of the most unlikely is Abdisamad Adan, a 21-year-old beginning his freshman year at Harvard.

9/13/2015 12:52 AM EST
TAIPEI -- Taiwan on Thursday signed a memorandum of understanding with Oceans Beyond Piracy (OBP) that will allow for the establishment of a Maritime Communications Initiative, a new communications network to increase maritime safety along the Somali coast.

9/13/2015 12:30 AM EST
Somalia of 1993, Sadia Gassim not only embraced Waterloo Region as her new community but she prompted conversations about racism and created new ways to celebrate African culture.
Click here