4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
Wasiirka Amniga Somalia oo Sharraxay Xajmiga Qaraxyo Xalay lagu Weeraray Hoteelka SYL


Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Wasiirka Ammaanka Xukumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay ka awood bad-naayeen Qaraxii lagu weeraray Hoteelka Jaziira sannadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015-ka.

C/risaaq ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladda Somalia ay ka hor-tageen qaraxyada, isagoo xusay inay ku joojiyeen bar-koontarool oo ciidamadu ay ku sugnaayeen, halkaasoo gaarigii koowaad uu isku qarxiyay.

“Gaariga hore ee Qaraxa lagu geystay wuxuu ahaa xamuul, ciidanka amniga dowladduna waxay ku joojiyeen koontaroolka, wuxuu isku dayay inuu halkaas ku soo maro si awood ah, balse markiiba wuu qarxay,” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo xusay in afar ka tirsan ciidamadii koontaroolkaas ku sugnaa ay dhinteen.

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay toogteen kooxo isku-dayay inay gudaha u galaan Hoteelka SYL ee Muqdisho, kuwaasoo gaariga ka dagay, wuxuuna xusay in khasaaruhu yaraa marka loo eego Qaraxyadii dhacay xalay.

“Booliiska Somalia iyo hay’adaha taageera ayaa baaritaan ay qaraxyada ku sameeyeen ayay ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo ka cuslaa kii Qaraxii lagu weeraray Hoteelka Jasiira ee Muqdisho. Qaraxyadanna waxaa awoodooda la sheegay inay tahay 200-kg, kii Hotelka Jazeera wuxuu ahaa illaa 150-km,” ayuu mar kale yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, Hoteelka SYL oo kaso horjeeda Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray laba qarax, iyadoo la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 14-qof oo ay ku jireen xoogaggii weerarka qaaday oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya