4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
RW SOMALIA: Weerarkii Xalay Raad kuma laha Diinta Islaamka - Wuxuuna ahaa Fal Cadownimo


Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada Somalia, isagoo tacsi u diray ehellada dadkii ku Qaraxaas ku Geeriyooday, kuwii ku Dhaawacmayna u Rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sharma’arke ayaa ku tilmaamay Weerarkaas mid ka baxsan diinta Islaamka, isla markaana ay Al-shabaab ku doonayeen inay ku xasuuqaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda oo ay ku nastaan.

“Falalka noocan ah waa kuwo lagu argagax-galinayo dadka Soomaaliyeed, isla markaana lagu hor-istaagayo deggenaanshaha iyo horumarka Somalia. waxaan shacabka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay meel uga soo wada jeestaan aragagaxisada,” ayuu yiri RW Cumar.

Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray. “Weerarkaan oo kale Ma ahan ficil raad ku leh Diinta islaamka, waana fal Cadownimo oo lala beegsanayo Shacabkeenna, Waana Dhaqan aan la aqbali karin.”

RW Somalia ayaa dhanka kale ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen Ciidankii Amniga ee ka hortagay in qaraxyada gaaro halkii cadowgu la maaganaayeen. Wuuxuna ugu baaqay Hay’adaha Amniga DF Somalia inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaraanna falkaas.

Ugu dambeyn, Weerarkaan oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14-ruux oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia oo joogay sugnaa bar-koontarool, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya