4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
Madaxweynaha oo Magaalada Bursa ee Turkiga kula Kulmay ARDAY Soomaali ah (SAWIRRO)

Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Kulan la yeeshay Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Magaalada Bursa oo Waqooyi-galbeed Waddanka Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa Ardaydaas ka xog-wareystey xaaladooda nololeed iyo tan Waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay xoogga saaraan barashada xirfadaha kala duwan ee muhiimka ah.

“Waxaad halkan ku joogtaan magaca Somalia. Waxaad wax u baraneysaana waa dalkiinna. Marka aad Waxbarashada dhammeysataan waddankiinna ayaa idin baahan. Sidaad ogtihiin Dalkeena wuxuu leeyahay kheyraad, Waxaana laga Maar-maan ah inaad barataan Culuunta noocyadeeda kala duwan, si aan uga faa’iideysano kheyraadkaas,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Magaalada Bursa ayaa qaarkood ku jira waxbarashada dugsiga sare, iyagoo rajeynaya inay sannadkaan 2016-ka dhameystaan.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Uludag ee Bursa, ayaa booqashada Madaxweynaha kaddib waxay ku dhawaaqeen inay deeq waxbarasho oo jaamacadeed siinayaan ardayda dalka Somalia kasoo jeeda ee waxbarashada dugsiga sare sannadkan lagu jiro dhameysanaya.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Uludag waxaa wax ka barta in ka badan 62,000 oo Arday ah, kuwaasoo ka kala socda illaa iyo 124-dal oo ay ka mid tahay Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya