4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
Wasiirro, Xildhibaanno iyo Wax-garad Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]

Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Magaalada Beledweyne ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya iyo Salaadiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Khaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somalia, Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka heer gobol degmo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Wafdigaan, ayaa markiiba ku booday Hoteelka uu ka degen yahay magaalada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo khadar kooban uu dhax-marray wadda-hadal u badnaa is Xog-wareysi iyo Xaaladda guud dalka, gaar ahaan tan Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo hadal kooban ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in Muddo 23-sanno ah ay Somalia ka jireen colaado wajiyo kala duwan leh oo ka dhashay caddaalad-darradii muddo dheer soo jirtay oo sida uu hadalka u dhigay Ugaaska, walina taagan.

Sidoo kale, Wasiirka kheyraadka badda iyo Kaluumeysiga XFS, Ceymooy oo sheegay inuu socdaalkoodu salka ku hayo sidii wada-tashi ay la yeellanayaan Bulshada ku nool Gobolka, ayaa dhinaca kale Sheegay in Marnaba Bulshada ku nool Gobolka, aysan kasoo Hor-jeedin qorshaha dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, laakiin ay diidan yihiin habka iyo diiraqa loo marayo dhismaha maamulka.

Ugu dambeyn, Xubnaha wafdiga ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Somalia iyo Salaadiinta socdaalkooda ku wehlinayay ayaa qeyb ka noqonaya tirado wafuud ah oo horay ugu sii sugneyd Magaalada, kuwaasoo Dhamaantood marka la eego ka arrisanaya qorshaha lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ay saluug weyn ay ka muujiyeen Beelaha Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya