4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
Dowladda Soomaaliya ma Joojinayso Ugaarsiga ay ku Hayso Argagaxisada: MADAXWEYNAHA


Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ka hadlay Weerarradii xalay ay Al-shabaab ka geystay Muqdisho ee Dadka badani ku Geeriyoodeen, ayna kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan joojinayn dagaalka ay kula jirto kooxda Argagaxisada.

Madaxweynaha oo magaalada Jabuuti oo uu shirka dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia uga Qayb-galayo, shirkaasoo looga hadli xaajoon doono xaaladda Amniga iyo Hawlgallada Ciidanka AMISOM, ayaa sheegay in Al-shabaab ujeeddadoodu caddahay, ayna doonayaan inay Shacabka Xasuuqaan, Barakiciyaan, isla markaana ay Nabadda hor-joogsadaan.

“Kooxdan Argagixisada ah ee Diinta ku Gambanaysa, waxay markii uu jab Xoogan gaaray ay doonaysaa inay shacabka taageero kaga raadsato si khasab & Argagixin leh. Wixii ay ka sameeyeen Muqdisho ee ay shacab Waddooyinka iska marayey ku laayeen waxay caddeyn u tahay in Al-shabaab ay ku faanto daadinta Dhiigga Shacabka Masaakiinta ah ee Nabadda u ooman. Kooxdaan waa inay ogaataa in Laamaha Amniga Dowladda ay Har iyo Habeen u soo jeedaan sidii ay dalka oo dhan uga sifeyn lahaayeen,’’ ayuu madaxweyne Xasan ku yiri War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiskiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray ehelladii ay dadkii ku dhintay weeraradii xalay ee Muqdisho ka baxeen, isagoo kuwa ku dhaawacmayna Alle uga baryay inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha wuxuu ammaan u jeediyay Ciidammada Amniga Dowladda Somalia oo uu xusay in si Geesinimo leh ay uga uga hortageen Falkii la doonayay in dadka badan lagu laayo.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxaa dadka ku dhintay tiradoodu kor u dhaafaysaa 30-qo, kuwaasoo isugu jira shacab, Ciidammo iyo kooxihii Weerarka qaaday, Waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 60-qof oo shacab u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya