4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
JACOB ZUMA: Burundi Waxaa dhawaan Tagaya Kormeerayaal ka Socda Ururka Midowga Afrika


Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay maanta oo Sabti ah in Midowga Afrika uu u darayo Burundi 100 Kormeerayaal Xuquuqda Aadanaha ah iyo 100 Kormeerayaal ciidan ah, kuwaas oo indho-indheyn ku sameyn doona xaaladaha uu dalkaas ku jiro.

Jacob Zuma ayaa Hadalkaan ka sheegay Garoonka Diyaaradaha Bujumbura oo ay isaga iyo mas'uuliyiin ka socda dalalka Afrika ka dhoofayeen, kuwaasoo maalmahan u joogay Dalka Burundi sidii ay Xukuumadda iyo Kooxaha Mucaaradka ah uga Dhaadhicin lahaayeen inay wadahadallo ku xalliyaan khliaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.

Dalka Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee Sanadkii hore ka jiray xiisado colaadeed oo salfatay in ka badan 400 oo qof, sidoo kalena ay dalkooda uga bara-kaceen colaadaha ka taagan kumammaan qof.

“Waxaan si dhab ah u Aaminsan-nahay in colaadda siyaasadeed ee Burundi lagu dhameyn karo oo keliya Wadahadallo Nabadeed,” ayuu yiri Jacob Zuma oo intaas ku daray. “Runtii aad ayay walaac u leedahay xaaladaha colaadeed ee Burundi ka jira iyo dilalka dhacaya.”

Go’aanka Midowga Afrika ay kormeerayaasha ugu dirayo Burundi ayaa waxaa la sheegay inuu ku yimid Tanaasul uu Sameeyay Madaxweyne, Pierre Nkurunziza, si Xal deg-deg ah looga gaaro colaadda sii kordhaysa ee dalkaas ka taagan xilligan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Burundi uu diiday bishii December ee sannadkii hore in Midowga Afrika ay 5,000 oo askari oo ah kuwo nabad-ilaalin ah ay dirto Burundi, isagoo sheegay inuu la dagaalammayo haddii loosoo diro dalkiisa.

Dhanka kale, Madaxda dalalka Afrika ka socda ee Maalmahaan ku sugnaa Bujumbura ayaa sheegay in madaxweynaha Burundi uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal uu la galo kooxaha mucaaradka ah ee dalkiisa.

Waxaa dhammaadkii sannadkii hore Bur-buray Wadahadallo ay dhinacyada Dalka Burundi isku haya ay ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, taasoo sii xoojisay khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka u dhexeeya.

Midowga Afirka ayaan weli ka Hadlin Go’aankan uu Shaaciyay Madaxweyne Jacob Zuma, kaasoo ah inay Burundi u dirayaan kormeerayaan isugu jira Xubno Xuquuqda Aadanaha ka socda iyo kuwo Ciidammo ah oo Xalaadda dalkaas indho-indheyn ku sameyn doona.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Bujumbura iyo kooxaha Mucaaradka ah ayaa waxay dhinacba kan kale uu ku eedeeyay in xiisadaha colaadeed ee dalkaas ka taagan uu Hormuud u yahay, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen Xukuumadda inay ku hayso dilal iyo caga-jugleyn ku hayso mar xilli kasta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya