3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 27, 2016
SAWIRRO: Kulan Hawl-galka Ciidanka AMISOM Looga Hadlayo oo Maanta ka Furmay JABUUTI

Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Dalka Jabuuti Waxaa Maanta ka Furmay Kulan looga hadlayo howlgalka ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, kaasoo ay ka qayb-galayaan Mas'uuliyiin ka socda Waddamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ah wasiirrada Gaashaandhigga waddamada ay ka socdaan ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan, waxaana qodobada looga hadlayo ka mid ah sidii loo dar-dar-gelin lahaa Howl-galka AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominaya Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane, waxaana qayb ka ah shirkan Urur-goboleedka IGAD, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Nigeria iyo saraakiilka tirsan dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhanka kale, waxyaabaha shirkan inta uu socdey lagu qaadaa-dhigi doona ayaa ah in door wanaagsan ciidamada AMISOM ka qaateen sidii Somalia Nabad loogu soo dabbaali lahaa iyo doorka ciidamada xoogga Soomaaliya iyo sidii loogu heli lahaa Qorshe dhameystiran.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa shirkan uga qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar uu ka mid yahay.

Si kasta ha ahaatee, Ciidanka AMISOM ayaa Waxay ka socdaan Shan Waddan oo kala ah; Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Kenya, sidoo kalena waxaa Somalia ku sugan askar Booliis ah oo Hoos-taga AMISOM kuwaas oo ka socda Dalal kale oo Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/27/2016 1:32 PM EST
Sebti, Feberaayo 27, 2016 (HOL)-Bandhig faneed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaafada Eastleigh ee Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.

2/27/2016 10:06 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay maanta oo Sabti ah in Midowga Afrika uu u darayo Burundi 100 Kormeerayaal Xuquuqda Aadanaha ah iyo 100 Kormeerayaal ciidan ah, kuwaas oo indho-indheyn ku sameyn doona xaaladaha uu dalkaas ku jiro.

2/27/2016 9:13 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagaya toddobaadkan afar waddan oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Nigeria, Waxaana booqashadiisan ay billaaban doontaa Axadda Berri a, sida lagu sheegay Warbixin laga soo saaray Maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa Ankara.

2/27/2016 8:31 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ka hadlay Weerarradii xalay ay Al-shabaab ka geystay Muqdisho ee Dadka badani ku Geeriyoodeen, ayna kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan joojinayn dagaalka ay kula jirto kooxda Argagaxisada.

2/27/2016 8:01 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Magaalada Beledweyne ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya iyo Salaadiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

2/27/2016 7:25 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Waxaa sare u kacay Khasaaraha Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Iska-horimaadka ahaa ee Xalay lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, iyadoo khasaaraha Dadka ku dhintay ay marayso 30-qof, dhaawucuna uu ku dhow yahay 60-qof.

2/27/2016 6:19 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Kulan la yeeshay Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Magaalada Bursa oo Waqooyi-galbeed Waddanka Turkiga.

2/27/2016 5:52 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada Somalia, isagoo tacsi u diray ehellada dadkii ku Qaraxaas ku Geeriyooday, kuwii ku Dhaawacmayna u Rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

2/27/2016 2:42 AM EST
Sabti, Feberaayo 27, 2016 (HOL) — Wasiirka Ammaanka Xukumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay ka awood bad-naayeen Qaraxii lagu weeraray Hoteelka Jaziira sannadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015-ka.