Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo soo gaaray magaalada Kismaayo
Arbaco, December,13,2017 (HOL)–Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
Waxaa safarka ku wehlinayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max'ed.
Wafdiga ayaa waxa soo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish iyo saraakiil ka tirsan nabadsugidda Jubbaland.
Masuuliyiintan ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedada safarkooda, waxaana loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubaland.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo gudbiyay Muqdisho.
15 Aug, 2017 ayuu shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ku shaaciyay in uu ka baxay Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay in Quddus tahay caasimada Falastiin
- Diyaarado Duqeyn ka geystay deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
- Muuse Biixi : Shantii Soomaaliyeed Soomaaliya oo kaliya ayaa ka maqan munaasabadan caleemo saarka
- Daawo Sawirro laga soo qaaday gaadiid dhawaan Al-shabaab ay ku gubeen dulleedka Beledweyne
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo meelmariyay Miisaaniyada Dowladda sanadkan 2018ka
- Madaxweyne Siilaanyo oo xilka si rasmi ah u wareejiyay
- Maxamed Amiin Baryare oo ku Guulaystay tartan orod oo lagu qabtay Magaalada London
- Al-shabaab oo Nin dhalinyaro ah ku fuliyay xukun gacan goyn ah
- Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo in ay maanta cod galiyaan miisaaniyada 2018ka
- Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose
- Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga
- Soomalia oo dib u soo nooleyneysa dhaqanka iyo dalxiiska dalka
- Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo maanta la caleemo saarayo
.jpg)
.jpg)