4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Kulan lagu taageeray madaxweyne Farmaajo oo lagu qabtay Portland Oregon


Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Portland, Oregon ee cariga Maraykanka. Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 Xafladan oo ay kasoo qeybgaleen jaaliyada soomaaliyeed  ee gobolka Oregon waxaa soo qabanqaabiyay hoggaamiyayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Oregon aasi oo loogu hambalyeynahay madaxweynaha cusub oo ay sida dimuquraadiyada leh uu doorteen xildhibaanada qaranka. Waxaana goobta munaasabada ay ka dhacaysay ka hadlay waxgaradka, mas’liyiinta dhilanyarada iyo haweenka jaaliyada Soomaalida ee gobolka Oregon ee cariga Maraykanka.

 Goobta Munaasabada ay ka socotay ayaa guud ahaan waxaa kuwada dheganaa Boorar aad iyo aad u qurux badan oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo,  hal ku dhigyada lagu qoray boorarka ayaa ah Cadaalad, Sinaan, Nabad iyo Horumarka intaba ku taageer Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana inta badan marka aad fiiriso wejiyada dadka munaasabadaa ka soo qeybgalay ka Muuqatay Farxad iyo Raynrayn.

 Guud ahaan Munaasabadaa oo ahayd Soo Dhawayn iyo Taageero buuxda oo loo dirayey Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxey ku soo gabogabowdey sidii loogu talagaley iyo si ka Sareysa.

 Abdifatah Mohamed Abdurahman(Biyonde)

Portland, Oregon,