4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA: Soomaaliya waa san ayaa u baryay


Arbaco, Febraayo 15, 2017 [HOL]-Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaalia FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA ayaa sheegay in waa san uu u baryay dalka Soomaaliya kadib doorashadii dhawaan la doortay madaxweynaha sida weyn shacabku u taageersan yahay, Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo.

'Soomaaliya iminka waxay leedahay madaxweyne si dimoqraadi ah ay u doorteen xubnaha labada aqal ee baarlamaanka qaran'.  Sidaa ayuu bayaan ku yiri.

'Waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha la doortay Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo. Waxaan u rajeynayaa guul haatan oo uu isku dayayo inuu dalka u horseedo mustaqbal ifaya'.

Wuxuu sheegay inkastoo ay caqabado jiraan in haatan dalku leeyahay baarlamaan ka kooban labo aqal.

Wuxuu sheegay in doorashadii 8dii bishaan dhacday ay gun dhig u tahay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Wuxuu FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA uga mahad naqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay dadaal muujiyeen.

Wuxuu sheegay MADEIRA in ay jirto fursad hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan si loo gaaro dib u heshiisiin baahsan iyo midnimo qaran.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]