4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Arbaco, Feberaayo,  15, 2017 (HOL) -  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel Cabdi oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo dagaalkan uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamada huwanta oo ku sii jeeday degmada Xarardheere oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu hal askari kaga dhintay, halka saddex kalena ka dhaawacmeen, haatana xaalada deegaanka ay degan tahay.

Ciidamada huwanta ayaa qorsheynaya inay la wareegaan degmada Xarardheere oo ah meel istiraatiiji ah oo leh xeeb.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay kaga hor-tagayaan duulaanka ku soo wajahan, waxaana barakac ka socda deegaano ka tirsan degmada Xarardheere.

Ugu danbeyntii, ciidamada huwanta ayaa maalin ka hor la wareegay deegaanka Camaara iyo deegaanka Bacaad-weyn, waxaana ay tan iyo shalay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ugu ruuqaansanayaan degmada Xarardheere.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]