4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Guddoomiyaha rugta ganacsiga maamulka Hirshabeelle oo Jowhar lagu doortay


Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Jowhar ay ku yeesheen xubno ka tirsan ganacsatada labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa looga dhawaaqay guddoomiyaha rugta ganacsiga maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Hirshabeelle ayaa loo doortay Shiikh Xuseen Axmed Cali halka guddoomiye ku xigeenka Hirshabelle loo doortay Xaliimo Sacdiyo Sheekh Cabdullaahi iyo Yuusuf Maxamuud Weheliye.

Guddoomiyaha rungta ganacsiga Sheekh Xusseen Axmed Cali ayaa sheegay in dhismaha rungtan ganacsi muhiimad gaar u leedahay isku xirnaanta iyo iska warqabka ganacsatada labada gobol, isaga oo intaa ku daray in laga maarmaan aheyd dhismaha rungta madaama guud ahaan marka la eego maamulada kale ee dalka leeyihiin ururo ay ku mideysan yihiin.

‘’Ujeedadeena waa in aan u midoowno sidii ay aan iskugu xiri laheyn ganacsatada labada gobol, xiriir toos ahna ula yeellan laheyn ganacsatada kale ee dowlad gobolleedyada dalka’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Munaasabad lagu caleema saarayay guddoomiyaha rugta ganacsiga Hirshabeelle ayaa waxaa ka soo qeybgalay oday dhaqameedyo,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu danbeyntii, waa markii ugu horeysay ee uu rug ganacsi oo ka dhaxeeya guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabeelle la dhiso waxayna dhisida rugta ganacsiga qeyb ka qaadan kartaa sidii loo horumarin lahaa ganacsiga maamul goboleedka Hirshabelle.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]