3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon

 Arbaco, Febraayo ,15, 2017 (HOL)- Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa  madaarka magaaladda Hargeysa ku xidhay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo ka soo laabtay safar uu ku tagay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa kulamo la yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, isla markaana ka qabgalay mudaharaadyo lagu taageerayey oo magaaladda Muqdisho ka dhacay, taas oo muuqaalo uu ka khudbadaynayo lagu faafiyey baraha internetka ah.

Ciidamada amaanku wali kamay hadlin sababta loo xidhay suxufigan, haseyeeshee waxa loo malaynayaa inay xadhigaasi khuseyso dibadbaxyaddii madaxweynaha cusub lagu taageerayey.

Ugu danbeyntii, inkastoo wariyayaashu tagi karaan kana soo warami karaan magaaladda Muqdisho iyo Soomaaliya, ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee loo xiray wariyaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
2/15/2017 2:33 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir nabadoon lagu magacabi jiray Muuse Max’uud Rooble.

2/15/2017 12:59 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta mar kale xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud , waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Prof Max’ed Cismaan Jawaari.

2/15/2017 10:25 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub geysay Soomaaliya, kuwaas oo badali doona ciidamadii horay uga howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya ee ka socday isla dalkaasi Burundi.

2/15/2017 9:17 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) – Booliska dalka Malaysia ayaa xabsiga u taxaabay haweeney lagu tuhunsan yahay inay xiriir la lahayd dil loo geystey nin ay walaalo ahaayeen hogaamiyaha dalka W/kuuriya kaa soo lagu dilay garoonka diyaaradaha Kuala Lambur.

2/15/2017 8:51 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Jowhar ay ku yeesheen xubno ka tirsan ganacsatada labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa looga dhawaaqay guddoomiyaha rugta ganacsiga maamul gobolleedka Hirshabeelle.

2/15/2017 6:28 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Wasaaradda gaadiiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in la hakiyay duulimaadka garoonka Aadan Cadde ee 22-ka bishan oo ku beegan maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

2/15/2017 5:26 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Doon ku soo wajaneyd dekedda degmada Hobyo ee koonfurta gobolka Mudug ayaa ku degtay xeebaha dalka Cumaan,sida laga soo xigtay ganacsatada ay doonida u rarneyd.

2/15/2017 3:28 AM EST
Arbaco, Febraayo 15, 2017 [HOL]-Xukuumada Somaliland ayaa ka codsatay dawlada Donald Trump ee Mareykanka in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraada Socdaalka.

2/15/2017 3:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.

2/15/2017 3:12 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Dawladda Kuuriyada Konfureed ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un walaalkii lagu dilay Malayshiya.

2/15/2017 2:45 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel Cabdi oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo dagaalkan uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

2/15/2017 2:36 AM EST
Arbaco, Febraayo 15, 2017 [HOL]-Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaalia FRANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA ayaa sheegay in waa san uu u baryay dalka Soomaaliya kadib doorashadii dhawaan la doortay madaxweynaha sida weyn shacabku u taageersan yahay, Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo.

2/15/2017 2:34 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadadda dhinaceeda ayaa ka dhacay xaafadda Xaaw Taako ee magaalada Beledweyne, xili ay halkaa marayeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya.

2/15/2017 2:22 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Portland, Oregon ee cariga Maraykanka. Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

2/15/2017 2:05 AM EST
Arbaco, Febraayo 15, 2017 [HOL]-Hayada CARE ayaa sheegtay in loo baahan yahay in abaarta Soomaaliya si dagdag wax looga qabto hadii kale xaaladu ay kasii dari karto.

2/15/2017 12:44 AM EST
Arbaco, Febraayo ,15, 2017 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay hanti dhawraha Soomaaliya oo dhaliilay heshiihska Somaliland iyo Imaaraadka dhexmaray ee saldhiga militari ku dhisanayaan magaaladda Berbera.