4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Nabadoon caawa lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho

 Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir nabadoon lagu magacabi jiray Muuse Max’uud Rooble.

Nabadoonkaoo da’diisa lagu sheegay 70 sano ayaa waxaa uu dilkiisa ka dhacay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana markiiba goobta ka baxsaday ragii dilka geystay.

Ciidamada nabadgalyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay goobta gaareen iyaga oo halkaa ka wada baaritaano la xiriira cida ka danbeysay dilka nabadoonka oo siweyn looga garanayay degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]