Madaxweyne Farmaajo oo maanta xilka kala wareegaya madaxweynihii hore
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Waxaa xarunta
madaxtooyada Soomaaliya ka socta qabanqaabadii ugu danbeysan munaasabada xil
wareejinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
xafiiska kala wareegaya madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Shador Xaaji
Maxmuud oo VOA da la hadlay ayaa sheegay in maanta galinka hore ka dhici doonto
xarunta madaxtooyada munaasabada xil wareejinta.
Madaxweynaha cusub ayaa marka uu xafiiska la wareego la filayaa in uu si
rasmi ah u bilaabo howlihiisa shaqo, waxaana xarunta ka guuraya oo baneynaya
madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay tagay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu
kula kulmay Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo ka wada
hadlay xaalada dalka uu marayo iyo qaabka ay u dhaceyso munaasabada xil
wareejinta.
Waxaa muuqata in la kala qaaday munaasabada xil wareejinta iyo caleema saarka, iyadoo
22-ka bishan ay dhaceyso munaabada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, kaasoo
ay ka soo qeyb galayaan wafdi caalami ah.
Ugu danbeyntii, Afar sano ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu xafiiska Madaxtooyada ku wareejiyay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2012 ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee ka
dhacday magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]