3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Abaarta ka jirta bariga Afrika oo ascaarta cuntada sare u qaaday

Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Abaarta ka jirta dalalka dhanka bari ee qaaradaan Afrika ayaa ascaarta cuntada sare u qaaday.

Quutul daruuriga sida masagada iyo galleyda ayaa sare qiimahoodu u kacay sida hayada cunnada ee FAO ay sheegtay.

Dalalka abaartu saamaysay ee mandaqada ayaa ah Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Koofurta Suudaan, Tanzania iyo Uganda. Qoysaska ayaa iminka culeys dhanka cunnada ah uu soo food saaray.

Ilaa 15 malyan oo qof ayaa abaari faro kulul ku heysaa dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo qura.

 “Sare u kaca qiimaha raashinka ee aadka ah ayaa dhib ku haya qoysas badan,” sidaa waxaa yiri Mario Zappacosta, oo ka tirsan FAO.

Dhanka kale, ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku baaqay in wax laga qabto abaarta Soomaaliya si loo baajiyo macaluul.

Durba nafaqo darro ayaa dad ugu le'deen qeybo ka tirsan Soomaaliya. Hataan ayuu Nicholas Kay ka digay in hadii aan tillaabo dagdag ah la qaadin kumanaan qof macaluuli dili doonto.

Sanadihii 2010-2012 ayaa Soomaaliya abaar ba'an oo tan la mid ah ay soo martay kuna dishay boqolaal kun oo qof.

Abaarta hada jirta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2015 bishiisii Agoosto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]


 













Click here
2/16/2017 1:49 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanata si rasmi ah xafiiska ula wareegay ayaa magacaabay xilalkii ugu horeeyay ee Qaranka, tan iyo markii 8dii bishan la doortay.

2/16/2017 10:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Munaasabada oo aheyd mid siweyn looga soo shaqeeyay ayaa waxaa xilka kula wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo si rasmi ah uu xilka u wareejiyay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

2/16/2017 10:03 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2016 (HOL)-Kulankan oo ay Ka qeyb galeen qaar Ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu taageeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta Xilka madaxtinimo Dalka kala wareegay madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud.

2/16/2017 9:18 AM EST
Khamiis,Feberaay, 16, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo wefti uu hogaamnayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood xaruta gobolka Sool.

2/16/2017 5:59 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Iyadoo saacado ka hor uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ku dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya tiro madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha.

2/16/2017 5:08 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska, kaddib xaflad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

2/16/2017 3:09 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Waxaa lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen howlwadeenada garoonka diyaaradaha.

2/16/2017 2:09 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Waxaa aad loo hadal hayaa in shirkadda Nokia ay qorshaynayso soo celinta taleefoonkeedii caanka ahaa ee Nokia 3310.

2/16/2017 2:09 AM EST
Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Dawlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay cabasho ka gudbiso dawlada Imaaraatka Carabta [UAE] saldhigga ay ka kireysatay Somaliland dartii.

2/16/2017 2:01 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole, islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxweynaha cusub ee la doortay laga daayo sida uu hadalka u dhigay faragalinta siyaasadeed ee lagu hayo.

2/16/2017 1:43 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka socta qabanqaabadii ugu danbeysan munaasabada xil wareejinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiska kala wareegaya madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

2/16/2017 1:23 AM EST
Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku baaqay in wax laga qabto abaarta Soomaaliya si loo baajiyo macaluul.