4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
C/raxmaan Faroole : Madaxweynaha cusub ha loo daayo qofka uu ra’iisal wasaaraha ka dhigayo

Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole, islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxweynaha cusub ee la doortay laga daayo sida uu hadalka u dhigay faragalinta iyo culeyska siyaasadeed ee lagu hayo.

Hogaamiyayaasha madasha iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay faragalinta ka daayaan madaxweynaha islamarkaana u madaxbanaaneeyaan sida uu hadalka u yiri qofka uu ra’iisal wasaare ka dhiganayo.

‘’Hogaamiyayaasha madasha raga sheegtay waxaa leeyahay intii hore ayaa ceeb idinku filan, ha idinka nabadgalo madaxweynaha la doortay ee codka shacabka ku yimid, hana loo madaxbanaaneeyo qofka uu ra’iisal wasaare ka dhiganayo ayuu yiri ‘’ C/raxmaan Faroole oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe.

Sababta uu ugu uga soo tagay magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay in ay tahay culeys ay ku hayeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo doonayay ayuu yiri in ay ii adeegsadaan madaxweynaha.

‘’Sababta aan uga imid magaalada Muqdisho ayaa ah in aan la ii isticmaalin madaxweynaha oo aan cadaadis ku saarin qofka uu ra’iisal wasaaraha ka dhiganayo ayuu yiri ‘’ C/raxmaan Faroole.

Ugu danbeyntii, madaxda dowlad gobolleedyada ayuu ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay abaaraha ku dhufteen, taa badalkeedana iska daayaan in ay ku mashquulaan siyaasada madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]