4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Dawlada Soomaaliya oo qorsheyneysa inay cabasho ka gudbiso dawlada Imaaraatka

Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Dawlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay cabasho ka gudbiso dawlada Imaaraatka Carabta [UAE] saldhigga ay ka kireysatay Somaliland dartii.

Dawlada Soomaaliya ayaa cabashadaa oo sharci ah damacsan inay ka gudbiso dawlada UAE maadaama Somaliland uusan ahayn dal la aqoonsan yahay sidaa darteedna ay aaminsan tahay in maamulka Somaliland uusan awood u lahayn ka kireynta xeradaa UAE.

Hanti Dhowraha Soomaaliya Nuur Jimcaale ayaa shaaciyay in xukuumada Muqdisho ay qorsheyneyso in cabasho ay ka qorto UAE xadgudubkaa dartii sida hadalka loo yiri.

Wuxuu intaa raaciyay in saraakiil UAE ka socday ay laaluusheen saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland si arinkaa loogu fududeeyo.

Xeradaa ayaa lagu wadaa in ciidamada UAE looga dhiso magaalo xeebeedka Berbera. Si kastaba ha ahaatee walaac ayaa qorshahaasi gobolka geeska Afrika ka dhaliyay.

'Heshiisku waa musuq iyo sharci darro,” ayuu yiri mudane Nuur Jimcaale.

UAE oo ka tirsan xulufada Sacuudiga ee Yemen ka dagaalama ayaa damacsan in xeradaa ay uga duusho Xuutiyiinta Yemen.

Somaliland ayaa sheegtay inay gooni ka tahay Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991 walow aysan helin aqoonsi caalami ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]