4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo xilalkii ugu horeeyay magacaabay

 Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanata si rasmi ah xafiiska ula wareegay ayaa magacaabay xilalkii ugu horeeyay ee Qaranka, tan iyo markii 8dii bishan la doortay.

Madaxweynaha ayaa Danjire Cali Saciid Fiqi u magacaabay in laga bilaabo maanta uu noqonayo agaasimaha ama madaxa shaqaalaha madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, Xusseen Macalim Maxamuud ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee madaxweynaha, halka Siyaad Maxamuud Shire loo magacaabay madaxa baratikoolka iyo habmaamuuska madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa hadda ku magacaaban Danjiraha Somaliya u fadhiya Midowga Yurub ahna Wakiilka Somaliya ee Wadamada Belgium, Holland & Luxembourg.

Halka Siyaad Maxamud Shire wali ku magacaaban yahay qusulka safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabai.

Munaasabada caleemo saarka madaxweynaha ayaa la filayaa in ay dhacdo 22ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah todobaadka danbe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]