4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Dad Soomaali ah oo shil ku dhintay dalka Muzambique

 

Jimco, Febraayo 17, 2017 [HOL]-Dad Soomaali ah ayaa shil ku dhintay dalka Muzambique goor ay gaari ku safrayeen.

Gaarigii ayaa shil la galay waxaana halkaa ku dhintay dhowr qof oo dadkaa gaariga ku safrayay ah.

Soomaalidaa ayaa ka soo dagay garoon diyaaradeed oo kuyaala gobol ka mid ah gobolada dalkaa ka hor intii aysan meeshii kale ee ay u socdeen inta gaari u raaceen gaarigii uusan la qalibmin.  Dadka dhintay ayaa iminka lagu soo waramayaa in dalkaa lagu xabaalay.

Soomaali badan ayaa kunool dalkaasi Muzambique kuwaasoo halkaa ka ganacsda kuwo kalena waxay had iyo jeer u yimaadaan inay ganacsiyo halkaa ka abuuraan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]