4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Soomaali dawlada Mozambique ay damacsan tahay inay masaafuriso

 

Caasimada Mozambique -Mbabane


Jimco, Febraayo 17, 2017 [HOL]-Dad Soomaali ah oo kunoolaa Mozambique ayaa dawlada dalkaasi damacsan tahay inay Soomaaliya u masaafuriso.

Ilaa lix qof oo Soomaali ay kujiraan ayaa booliska dalkaasi ku xiray gobolka Nampula kuwaasoo ay dawlada dalkaasi inay masaafuriso dooneyso. Dadkaa ayaa dhammaantood ajnabi ah oo sharciyo ay kujoogaan aanan haysan.

Dhanka kale, dad Soomaali ah ayaa shil ku dhintay isla dalka Muzambique goor ay gaari ku safrayeen.Gaarigii ayaa shil la galay waxaana halkaa ku dhintay dhowr qof oo dadkaa gaariga ku safrayay ah.

Soomaalidaa ayaa ka soo dagay garoon diyaaradeed oo kuyaala gobol ka mid ah gobolada dalkaa ka hor intii aysan meeshii kale ee ay u socdeen inta gaari u raaceen gaarigii uusan la qalibmin. 

Dadka dhintay ayaa iminka lagu soo waramayaa in dalkaa lagu xabaalay.

Soomaali badan ayaa kunool dalkaasi Muzambique kuwaasoo halkaa ka ganacsda kuwo kalena waxay had iyo jeer u yimaadaan inay ganacsiyo halkaa ka abuuraan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]