4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Ciidamadii duulaanka ku ahaa degmada Xarardheere oo dib ugu laabtay fariisimahoodii hore

Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira kumaandooska xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo maalmahan guluf dagaal ka waday Koofurta Mudug ayaa la sheegay inay dib ugu laabteen fariisamahoodii hore.

Ciidamada ayaa qorshahooda ahaa in ay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere ee hobolka Mudug, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan oo maalmo ka hor dagaalo kula galay Al-Shabaab duleedka deegaanka Camaara ayaa haatan la sheegayaa inay ku laabteen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Muddug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qeyb ka ahaayeen kuwa Puntland, waxaana taageerayay diyaarado dagaal oo dul heehaabayay deegaanada Camaara iyo Ceel cabdi.

Yuusuf Salaad Maxamuud guudoomiyaha deegaanka Camaara ayaa sheegay in ciidamadan ay u dhaqaaqeen dhanka Gaalkacyo iyo Hobyo, isagoo xusay inay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Ugu danbeyntii, lama oga sababaha keenay in ciidamadan inay dib ugu laabtaan deegaanada ay markii hore ka yimaadeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]